Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xaaladda welwelka ee baarista machadka SOM Göteborg

La cusbooneeyay tisdag 25 april kl 14.55
La daabacay tisdag 25 april kl 10.43
Cabdi Faarax: Kolka ay saxaafaddu argaggixisada ka hadlayso ayaan ka wewelaa
(2:05 min)
MRSA bakteeriyada adkeeysiga u leh antibiyootikada.
MRSA bakteeriyada adkeeysiga u leh antibiyootikada. sawir: Poppe, Cornelius

Welwelka laga qabo kororka uu jeermisku u qabo u dulqaadashada dawada antibiootikada ayaa kaalinta koowaad ka gashay waxyaabaha ay bulshada Sweden welwelka ka qabaan mustaqbalka, sida ku cad baarista machadka ee jaamicadda Som-institutet Göteborg.

Shan waxyaalood ayaa kaalinta ugu sarreeysa ka galey waxyaabaha ugu waaweyn ee welwelka ku haya bulshada, mar su’aallo laga weeydiiyey dadyoow si kama’ ah loo soo xuley ee tiradoodu gaarsii-san tahay 20 0000 oo dalka ka diiwaan-gashan.

Waana fikir uu middaa ku raac-san yahay welwelna ku haya kor u kaca isir neceeybka ee dalka Cabdi Faarax ahna aabbe iyo dukaanle ku dhaqan magalada Örebro.

Su’aal gaar ah ee baarista sannadka la soo ban-dhigi doono ayaa la xiriirta aragtida laga qabo hoggaamiyeyaasha waaweyn ee caalamka sida Donald Trump, Vladimir Putin iyo Angela Merkel.

Baarista Som-institutet ee jaamicadda Göteborg ayaa la sameeyey muddadii u dhexeeysay bilaha septeember-feeberaayo.

Waraaqaha su’aalaha lagu weeydiiyey ayaa boosto loogu kala direy dadyoow da’doodu u dhexeeyso 16-85-jirro oo gaarsii-san 20 000 oo ruux ee si lama filaan ah loo doordoortey. Waxey sidoo kale ku soo jawaab celin kareen aaladda internet-ka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".