Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Jawaabo kala duwan oo la siiyay mataano magangelyo dalbaday

La daabacay onsdag 26 april kl 08.48
Hasan iyo Ahmad Hifzy
Hasan iyo Ahmad Hifzy sawir: Kajsa Olsson/Sveriges radio

Ahmad iyo Hasan Hifzy oo ah laba wiil oo mataano ah oo ka soo jeeda dalka Suuriya waxay soo wada mareen dhabbo isku mid ah intii aaney Sweden iman oo aaney ka dalban magan-gelyo. Hase yeeshee waxey labadaasi wiil ka heeen wakaaladda socdaalka jawaabo kala duwan.

Wiilasha midkood ayaa helay sharci deggenaansho oo joogto ah, halka midka kale lagu war-geliyey in loo ogolaadey sharci deggenaansho oo aan ku meel-gaar ahayn. Middaasina oo ay ugu wacan tahay wax ka bedelkii xeerka socdaalka ee la hir-geliyey sannadkii ina dhaafay.

Xeerka ayaa horay loogu dhaleeceeyey inuu noqon doono mid aan loo sinneyn oo bakhtiyaa nasiib noqon kara, iyada oo dhanka kale muddada jawaabta laga sugo dalabka magan-gelyo doon ee wakaaladda socdaalku saameeysay cidda la siiyo deggenaanshaha joogtada ah iyo cidda kale. Waxaa soo baxday inuu xeerkaasi yeeshay saameeyn sida laga dheehan karo xaaladda mataanaha Ahmad iyo Hasan Hifzy.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".