Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Wakaaladda socdaalka oo soo bandhigaysa saadaasha qaxootiga

La cusbooneeyay onsdag 26 april kl 13.10
La daabacay onsdag 26 april kl 10.05
Agaasimaha guud ee wakaaladda socdaalka Anders Danielsson.
Agaasimaha guud ee wakaaladda socdaalka Anders Danielsson. sawir: Claudio Bresciani/TT

Wakaaladda socdaalka Migrationsverket ayaa saadaalinteeda ku sheegtay inay tirada magangalya doonka bilwalba dalka soo gala ay ku nagaatay inta u dhexeeysa 1 700 – 2 500, laga soo bilaabo gu’gii 2016.

Waa tiradii ugu hoosaysay wixii ka dambeeyay sannadkii 2012. Wakaaladdu waxay sheegtay in isbadalkaan uu hormuud u yahay tirada dadka Yurub soo gala oo adkaatay, hishiiska ka dhaxeeya ururka midowga Yurub (EU)  iyo Turkiga oo dhaqan galay iyo howlaha baarista waraaqaha aqoonsiga ee  xuduudaha waddanka. 

Qorshaha aqbalida dajinta soo galootiga ayaa lagu qiyaasay tiro gaarsiisan 34 700 ruux sannadkiiba laakiin in ay tiradan u dhaxeynkarto 22 000 ila iyo 45 000. EU oo xadeysay siyaasada socdaalka iyo xaddadka ayaa sababtay tirada magangalya doonka  ee sannadka la filayo inay ka hooseeyso sannadihii hore.

Saadaasha 2018 waxay sheegeysaa in 25 000 ila iyo 65 000 magan galyo doon iman karaan hase yeeshee qorshaha aqbalaada lagu qiyaasay in ay qaadi kari doonto 35 000 ruux.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".