Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Howlo badan ayaa looga baahan yahay xaafadaha faqooqan

La daabacay onsdag 26 april kl 12.30
Soomaalidu way ku daashay kullammada aan natiijada laheyn
(8:45 min)
Madaxa ciidanka ammaanka Sweden Dan Eliasson.
Madaxa ciidanka ammaanka Sweden Dan Eliasson. sawir: Pontus Lundahl/TT

Madaxa ciidanka ammaanka ayaa soo jeediyay in loo baahan yahay in lagu tallaabsado howlo ka ballaaran sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka is-xabadeeynta iyo dembiyada ee ka dhaca xaafadaha duleedyada dhaca ee dalka.

Ciidanka ammaanka ayaa ku keliyeeystay xaafadaha ey dhibaatooyinku ka taagan yihiin, sida uu sheegay Dan Eliasson.

– Xaggeey ka baxeen hayadaihii kale ee dawligu? Iigama muuqdaan xaafadaha duleedyada dhaca ee bulshada ka faqooqan howlo sidaa u ballaaran oo ey ka hayaan. Ciidanka ammaanku waa hayadda keliya ee saraakiisheedu ka muuqadaan, kana howl-geleyaan goobahaa.

Xaafad ka mid ah xaafadaha uu carrabaabay madaxa ciidanka ammaanka Dan Eliasson ayuu ku dhaqan yahay wiilka lagu magacaabo Cali Yaasiin Gurbe oo ka mid ah dhallin-yarada firfircoon ee ku dhaqqan magaalada Göteborg.


Magaalada Göteborg oo ey ku yaalaan lix xaafadood oo ka mid ah 15-ka xaafadood ee faqooqan ayay ciidanka ammaanku uga howl-geleyeen labadii sannadood ee ugu dambeeyey nidaam ey kala kaashaneyaan hayadda ka hor-tagga dembiyada ee magaceeda loo soo gaabiyo BRÅ. Hoswlahaasina oo ka kooban wejiyo kala duwan.

Iminka ayaa lagu jiraa wjigii ugu horreeyay iyo sidii waddooyinka looga safeeyn lahaa dembiyada muuqda iyo iibinta muqaadaraadka.

Iyada oo kolka falalkaa suuqyada laga nadiifiyo loo baahan yahay sidii ay bulshada nawaaxigaa ku dhaqani u soo bannaan-bixi lahayd isla-markaana qayb uga qaadan lahayd howlaha, sida uu sheegay Dan Eliasson.

Xaqiiqdii waa iney dadyoow badani soo bannaan baxaan. Ma ahan ereyada aan oran doono kuwo farxad geliyo maamullada, hase yeeshee waxaa wax badan laga hadlaa xaafadaha faqooqan iyo gacanta laga geeysaneyo, balse ma ahan tallaabooyin ii muuqda ee wax looga qabaneyo, sida uu sheegay Dan Eliasson, ahna madaxa hayadda ciidanka ammaanka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".