Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ajaaniibtu waxay helaan gunno howlgab oo ka hooseeysa

La daabacay onsdag 26 april kl 17.05
Waxaa wax looga qaban karaa in sanooyin dheeri ah la shaqeeyo
(3:00 min)
Lacag waraaqo iyo qadaadiic ah oo miis saaran.
Lacag waraaqo iyo qadaadiic ah oo miis saaran. sawir: Ruud, Vidar

Ajaaniibta dalka dibaddiisa ku dhalatay ayey tahay iney fishaan gunno howl-gab oo 2 000 oo koron gaarsii-san ka hooseeysa bishii kolka loo barbar-dhigo dadyoowga dalka ku dhashay, inkasta oo ey qaadan jireen mushaarooyin isku mid ah. Sida ka muuqatay war-bixin ay soo saartay shirkadda lagu magacaabo gunnadayda hawl-gabka - Min Pension.

Kristina Kamp waa dhaqaale yahan ku takhasustay culuunta gunnada howl-gabka:

- Dabcan waa wax cad in mushaarooyin isku mid ah la qaato goorta howl-gabka laga gelayo shaqada, waxaase halis wayn loogu jiraa in gunnada howl-gabku kala duwanaato haddii uu shakhsigu ku dhashay dal kale. Waxaa sidoo kale dhici karta inuu shakhsigu dalka soo galay goor dambe oo aannu ka gaarin inuu shaqeeysto gunno howl-gab ku filan.

Shirkadda Min Pension ayaa eegtay macaamiisheeda dhaltay sannadihii kontameeyadii oo qaadan jirey bilihii howl-gabka ka horreeyey mushaarooyin u dhexeeya 25-30 000 oo koron. Halkaasina oo ay ka muuqatay farqi laba kun kor u dhaafaya oo u dhexeeya dadka dalka ku dhashay iyo kuwa dibadda ku dhashay. Farqi midkaa la mid ah ayaa sidoo kale u dhexeeya dadyoowga qaata mushaarooyinka kale, sida war-bixinta ku cad.

War-bixinta ay soo saartay shirkadda Min Pension ayey sal-dhig u ahaayeen gunnada guud ee hoel-gabka, gunnada shaqaalaha waxa lagu magacaabo  tjänstepension iyo sidoo kale gunnada sida gaarka ah loo aruursado privat sparande, hase yeeshee aanay ku jirin gunnada howl-gabka ee waddan kale laga helo.

Sharaxaadda ugu ballaaran ee farqiga gunnada howl-gabka ayaa ah in shakhsiga dalka dibaddiisa ku dhashay uu suurtagal u helay sannado ka yar ee uu dalka ka howl-galey. Midda wax lagaga dhimi karo farqigaasina tahay in sanooyin  dheeri ah la shaqeeyo inta aan howl-gabka la gelin, sida ay sheegtay Kristina Kamp: 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".