Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Heerka dulsaarka ribada ugu muhiimsan oo aan wax laga bedelin

La daabacay torsdag 27 april kl 10.07
Bangiga dhexe Sweden oo aan wax ka badalin dulsaarta bangiyada
(1:15 min)
Stefan Ingves , madaxa bangiga qaran oo soo ban-dhigay heerka ribada.
Stefan Ingves , madaxa bangiga qaran oo soo ban-dhigay heerka ribada. sawir: Jonas Ekströmer/TT

Bangiga dhexe ee dalkan Sweden ayaa warsaxaafadeed uu soo saarey ku sheegey in aysan waxba ka badalin dulsaarka ugu muhiimsan ee bangiyada dalka taas oo hadda ah boqolkiiba -0.5.

Dulsaarkan ugu muhiimsan ee bangiyada ayuusan bangiga dhexe ee dalka Sweden waxba ka badalin laga soo bilaabo bishii fabraayo ee 2015.

Bangiga dhexe  ee dalka Sweden ayaa war saxaafadeedkiisa ku sheegey sidan soo socota:

Dhanka kale bangiga dhexe ee dalkan Sweden ayaa go’aansadey in ay waraaqa damaanad qaad ah oo qiimo ahaan dhan 15 bilyan oo karoon ku xoojiyaan heyadaha qaranka.

Sweden ayaa dulsaarteeda ugu muhiimsan ee bangiyadu ay hooseysey laga soo bilaabo bishii fabraayo 2015-kii, waxaana la filayaa in dulsaarkaas aan kor loo qaadi doonin ka hor inta laga gaarayo bartamaha sanadka soo socda ee 2018-ka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".