Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dawladda oo soo bandhigtay shuruudo cusub ee tarxiilka la xiriira

La daabacay torsdag 27 april kl 15.56
Dalka oo ey ku badaneyaan soo-galootiga sharci la'aanta ku jooga
(5:53 min)
Bidix Anders Ygeman (S), arrimmaha gudaha iyo Morgan Johansson (S), wasiirka shuruucda Sweden.
Anders Ygeman (S) iyo Morgan Johansson (S). sawir: Jonas Ekströmer/TT

Shir jaraa’id oo ey maanta si wada-jir ah u soo ban-dhigeen wasiirrada shuruucda Morgan Johansson (S) iyo wasiirka arrimmaha gudaha Anders Ygeman (S) ayey ku sheegeen in wakaaladda socdaalku saadaalineeyso saddexda sannadood ee foodda innagu soo haya iney dhuumaaleeysi dalka ku geli doonaan qaxooti lagu qiyaaso 33 000 oo ruux, sidaa daraadeed loo baahan yahay sidii loo dardar-gelin lahaa tarxiilka dadyoowgaa.

Ciidanka ammaanka iyo nabad-sugidda ayaa la siiyey suurtagallo cad iyo iney isticmaalaan tallaabooyin khasab ah sidii ey ku hir-gelin lahaayeen go’aanka tarxiillada, haddii aan shakhsiga lagu hayn goobaha lagu xafido waxa afkan iswiidhka lagu yiraahdo förvar.

Tallaabooyinka kale ee dheeriga ah ee la siineyo hayadaha dawladda ayey ka mid yihiin in wakaaladda socdaalka iyo hayadda nabad-sugiddu qiimeeyn hubin ku sameeyaan soo-galootiga. Sidoo kale waxaa hayadda nabad-sugidda awood dheeri ah loo siiyey iney si joogto ah ula socdaan xarunta dhexe ee keeydinta xogta socdaalka.

Dawladda ayaa sidoo kale waxay baaris u saari doontaa sidii lagu xakameeyn lahaa tirada goobaha laga bixin karo waraaqaha aqoonsiga.

Dawladdu waxay damac-san tahay in la kordhiyo suurtagalka sidii loo maareeyn lahaa dadyoowga diidmada ku heley dalabkoodii magan-gelyo doon. Iyada oo ciidanka ammaanka la siin doono suurtagallo dheeri ah oo ey ku booqan karaan xarummaha shaqada haddii tuhun uu jiro halka ay maanta middaasi suurtagal tahay oo keliya tuhun dembi hadduu jiro. Halka dhanka kale kor la laba jibbaari doono ganaaxa shirkadaha lagu helo iney howl-geliyaan cid aan sharci dalka ku laheyn, sida uu sheegay Morgan Johansson, wasiirka shuruucda ee Sweden.

- Waxaan kor u qaadney suurtagalka in booqashooyin lagu sameeyn karo goobaha shaqada oo aan la cayimin iyada oo aan tuhun dembi laga qabin, awood dheeri ah ee la siiyey ciidanka ammaanka. Wasiirka ayaa isaga oo hadalkiisii sii watana sheegay in la laba jibaari doono ganaaxa shirkadleyda lagu helo iney shaqa geliyeen cid aan deggenaansho dalka ku lahayn. Waa ganaax kulul oo uu jeebkiisa ka dareemi doono shaqa bixiyaha howl-geliya cid aan deggenaansho dalka ku laheyn, sida uu sheegay. 

Sawirka faraha 

Ciidanka ammaanka ayaa suurtagallo dheeri ah loo siiyey iney sawirro faro oo dheeri ah ku qaadi karaan kontaroolladooda ajaaniibta, middaasina oo maanta ay suurtagal ka tahay oo keliya xuduudaha iyo kolka uu shakhsigu dalbanayo magan-gelyo. Hase yeeshee ay dhici doonto in dalka gudihiisa lagu qaado  iyo gacanta inay ku dhigi karaan baasaboorka iyo waraaqaha aqoonsiga, sida uu sheegay Anders Ygeman, ahna wasiirka arrimmaha gudaha Sweden.

Dawladdu waxay dib u eegis ku sameeyn doonta sidii looga hor-tegi lahaa inaan si khaldan loo isticmaalin baasaboorrada deggenaanshaha iyo sharciga deggenaanshaha ajaaniibta  (främlingspass, resedokument och uppehållstillståndskort).

Baadi-goob

In shakhsi la waayo waxay ka dhignaan kartaa inuu dalka dhuumaaleeysi ku joogo ama uu ka safray iyada oo aan lala socodsiin hayadaha dawladda.

Gabagabadii sannadkii 2016 ayey ciidanka ammaanka la yaaleen faylal noocaasi ah oo gaarsii-san 12 606.

Baadi-goobka noocaasi ah ayaa jabaya kolka ey afar-sannadood ka soo wareegto kolkii uu bilowday, iyada oo dib loo cusbooneeysiin karo dalabkii magan-gelyo doon.

Howlaha ay dawladda Sweden ku tallaabsatay ee la xiriira sidii loo kordhin lahaa dib u celinta qaxootiga diidmada ku heley dalabyadoodii magan-gelyo doon ayey ka mid ahaayeen sidii heshiisyo loola geli lahaa waddammada ey ka soo jeedaan soo-galootigu iney dib u qaabilaan sida waddanka Afgaanistaan oo heshiis ey wada-gaareen, sida uu sheegay Anders Ygeman: 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".