Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Waalidiinta oo ka welwelsan sakhradda xafladda Valborg

La daabacay fredag 28 april kl 08.30
Is-bedel ayaa u dhexeeya sidii horay loogu xafladeeyn jirey iyo iminka
(2:48 min)
Gacmo dhalooyin khamri ah isku dhufsaneya.
Gacmo dhalooyin khamri ah isku dhufsaneya. sawir: FREDRIK SANDBERG / TT

Xafladda Valborg ayay dad badani la xiriiriyaan sakhrad. Halka uu saddexdii waalidba mid ka welwel-san yahay iney dhallaankooda dhowr iyo toban jirka ahi wax-yeello kala soo gudboonaato sakhrad darteed.

Baaris la sameeyey ayaa lagu ogaadey inuu kor u kacay welwelka ey waalidiintu ka qabaan in dhallaankooda ey wax-yeelooyin ka soo gaaraan muddada lagu guda jiro xafladda Valborg, xafladdaasina oo la caadeeystey in aad loo sakhraamo. Baaristaasina oo uu sameeyay ururka lagu magacaabo IQ.
58 boqolkii waalidiintii wax laga weeydiiyey ayaa sheegey iney ka welwel qabaan, halka ay tiradaasi ka ahayd 48 boqolkiiba sannadkii tagay.

Sida lagu xaqiijiyay baarista ururka IQ iney siddeed tobankiiba waalidiintu u arkaan inay caadi tahay in da’yartu khamri cabaan, hase yeeshee ey 9% aamin-san yihiin ilmahoodu iney khamriga cabaan xilligaa.

Baarista ururka IQ waxay sidoo kale muujineeysa farqiyo ballaaran ee u dhexeeya gobollada kala duwan ee dalku ka kooban yahay.

92% waalidiin dhallaanka aan qaan-gaarin ku haysta magaalada Uppsala waxey aamin-san yihiin iney khamriga cabbaan inta lagu guda jiro xafladda Valborg. Gobolka  Kronoberg ayey sidaa amin-san yihiin tiro gaarsii-san 66%.

Baarista ayaa lagu wareeystey waalidiin gaarsii-san qiyaastii 3 000 oo leh dhallaan da’doodu u dhexeeyso 13-17 jir oo ku dhaqan gobollada dalka dhammaantood.

Dhaqan soo jireen ah

Xafladda Valborg ayaa ku beegan maalinta ugu dambeeysa ee bisha abriil ee sannad walba. Waxaa laga xusaa waddammo ey ka mid yihiin Estland, Litaawen, Latvia, Finland, Sweden, Slavenia, Jekia iyo Jarmalka.

Xafladdana ayaa ka soo jeedda dalka Jarmalka caadooyinkii ka horreeyey diinta, hase yeeshee goor dambe lala xiriiriyey gabadha owliyadda Valborg.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".