Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dilkii ka dhacay guryaha lagu nasto oo maxkamad la hor keeni doono

La daabacay fredag 28 april kl 08.35
Guryaha lagu nasto ee uu dilku ka dhacay oo dhaca bannaanka magaalada Aarboga.
Guriga lagu tuhun-san yahay iney ka dhaceen dilalkii sayga iyo aabbaha haweenay 42-jir ah. sawir: TT

Maanta ayaa albaabka loo furi doonaa dacwad la xiriirta dil ka dhacay magaalada Arboga – fal dembiyeed la oran karo wuxuu boq ka galay taariikhda dembiyada ee dalka Sweden.

Haweenay 42 jir ayaa lagu tuhun-san yahay inay ka dambeeysay dilkii say ay isu dhixi jireen iyo aabbaheed iyo inat sidoo kale isku dayday inay disho hooyadeed. Wiil saaxiibkeed ah ayaa horay u qirtay inuu ka dambeeyay dilkii waalidiinta haweenayda 42-jirka.

Wiilka ayaa ruumanka ugu jiray laga soo bilaabo bishii septeembar ee sannadkii 2016 tuhun inuu ka dambeeyay dilkii iyo isku daygii dil ee ka dhacay bishii agoosto guryaha lagu nasto ee Arboga, halkaasina oo ey ku dhaqnaayeen waalidka haweenayda 42-jirka ah.

Dilkaasi ayuu ku geeriyooday aabbihii, halka uu dhaawac culus ka soo gaaray hooyadii. Ninka saaxiibka la ah haweenayda 42-jirka ayaa horay u qirtay inuu gacanta ku hayay mindida lagu geeystay fal-dembiyeedka. Halka ay haweenaydu fal-dembiyeedkaa iska dheereeysay.

Haweenaydan waxaa sidoo kale lagu tuhun-san yahay dil loo geeystay saygeedii hore, oo laga heley maydkiisa isaga war agagaarka isla goobtaasi yaala muddo iminka sannad ay ka soo wareegtay.

Qabrigiisii oo dib loo furey

Dilka saygii hore ee haweeynaadsi ayaa lala xiriiriyay fal-dembiyeed khiyaamo caymis dhaqaale malyuunnaad gaarsii-san. Baarista fal-dembiyeedka lagu hayay iyo ciddii ka dambeeysay daraadeed waxaa dib loo furay qabrigii saygii hore bee haweenayda oo ku yiilay qabuuraha Gustavsberg oo dhaca duleedka magaalada Stockholm si bal caddeeymo looga helo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".