Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ruuxii shanaad oo u geeriyooda falkii argagixida Stockholm

La daabacay fredag 28 april kl 09.07
Goobtii uu ka dhacay falkii argagixis ee dhabbada Drottninggatan.
Goobtii uu ka dhacay falkii argagixis ee dhabbada Drottninggatan. sawir: Pontus Lundahl/TT

Haweenay lixdameeyo jir ah oo uu dhaawac ka soo gaaray fal-dembiyeedkii ka dhacay magaalada Stockholm 7-dii bishii abriil ee sannadka ayaa ku geeriyootay cusbitalka. Waana ruuxii labaad ee cusbitalka ugu geeriyooda falkaasi, sida ciidanka ammaanku ku qoray boggiisa internet-ka.

Haweenayda ayaa cusbitalka ugu jirtay dar-yeel caafimaad dhaawacyadii ka soo gaaray falkaasi, iyadoona arroor-nimadii saaka 28-ka abriil ku geeriyootay cusbital ku yaala koonfurta dalka Sweden. 

Haweenayda ayaa noqotay ruuxii shanaad ee u geeriyooda falkii argagixis-nimo ee ka dhacay waddada Drottninggatan ee bartamaha magaalada Stockholm.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".