Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Go’aan magdhow oo laga gaarey dacwaddii liiseeynta Roomarka

La daabacay fredag 28 april kl 11.26
Fred Taikon oo ka mid ah dadyoowga liiska lagu qorey oo akhrinaya go'aankii maxkamadda.
sawir: Fredrik Sandberg/TT

Maxkamadda Svea Hovrätt ayaa go’aan ku gaartay in aan waxba laga dhimin magdhow 30 000 gaarsii-san oo loo ogolaadey 11 ruux oo ku qoraa liiskii qowmiyadda Roomarka ee ciidanka ammaanka Skåne.

Dawladda ayaa qirtay in gef la galey, hase yeeshee aamin-san in magdhowga guud ahaan aan la bixin ama la dhimo.

Liiska ciidanka ammaanka ee lagu qorey dadyoowga ka soo jeeda Roomarka ayaa dhaliyay dareen aad u ballaaran, cabsi iyo xumaan, sida ay maxkamaddu ku andacootay iyadoona sheegtay in magdhowga 30 000 oo koronka iswiidhishka ruuxiiba loo xukumey uu yahay magdhow la gar-waaq-san karo.

Halka dawladdu qabto in 30 000 oo koron tahay magdhow aad u sarreeya kolka loo eego falka lagu tallaabsaday ee liisaska lagu geliyey dadyoow ka soo jeeda qowmiyadda Roomarka. Waana mid ay maxkamadda Svea hovrätt go’aan ka gaartay maanta iyadoona lagu caddeeyay in aan wax laga bedelin go’aankaasi.

Maxkamadda degmada Stockholm oo go’aan dacwadda magdhowga horay uga gaartay ayaa sheegtay in liisku ahaa fal meel ka dhac ballaaran loogu geeystay anshaxa qowmiyadda Roomarka oo taariikhda horay ey u diiwaan-gelin jireen ciidammada ammaanka iyo kuwa adeegga bulshaduba.

Hayadda JK ayaa horay u gaartay go’aan mabdi’iyan ah oo dhammaan dadyoowgii liiska ku qornaa loogu ogolaadey magdhow gaarsii-san 5 000 oo koron qofkiiba.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".