Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Stefan Löfven: Argagixisadu diin Islaam ma matalaan ee waa burcad

La daabacay tisdag 2 maj kl 10.18
Löfven: Diinta islaamka argagixisadu ma matasho ee waa burcad
(3:40 min)
S-ledaren Stefan Löfven tågade och talade i Göteborg på första maj. Foto: Adam Ihse/Scanpix.
Reysal wasaare Stefan Löfven. Sawirkii : Adam Ihse/Scanpix.

Maalintii shaley ayaa waxaa dalkaan Sweden si weyn looga dabaaldagey 1-da May oo ah maalinta shaqaalaha adduunka.

Reysal wasaaraha dalkaan Sweden Stefan Löfven ayaa khudbad uu jeediyey maalinta shaqaalaha adduunka wuxuu balan qaadey in dawladdiisu lacago dheeraad ah ku maalgalin doonto amniga iyo guud ahaan daryeelka dadweynaha reer Sweden.

Raysal wasaare Löfven ayaa dhanka kale dhanbaal cad khudbaddiisa ugu direy dhallinyarada caadeysatey in ay dhagxaan la dhacaan dhammaan baabuurta ciidamada booliiska, kuwa dabdamiska iyo ambalaasyadu marka ay ka hawlgalayaan xaafadaha daafaha ah ee ay soogalootigu ku badan yihiin, wuxuuna yiri isagoo arrinkaas ka hadlaya:

- Fariinta aan u direyno kuwa dhagxiya ciidamada booliiska , dabdamiska iyo aambalaasyadu waa: Haddii aad dhagax u waabisid ama ku tuurtid baabuurtaas, marmarsiiya danbe waa dhammaadey mana harin, gacan bir ah ayeyna bulshadu arrinkaas uga hortagi doontaa, waxaanuna leenahay kuwaas , gacan ha u qaadina geesiyada dhulkaan, ayuu yiri Reysal wasaare Stefan Löfven.

Reysal wasaaraha ayaa intaas ku darey in dhallaanka kuwooda ku jira kooxaha burcadka ahi, ay isaga soo baxaan kooxahaas burcadka ah , dawladdiisuna arrinkaas caawimaad ayey ka geysan doonto.

Dhanka kale reysal wasaare Stefan Löfven ayaa sheegey in ay ka go’an tahay in ay argagisada la dagaalamaan, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa:

- Argagixisadu diin ma matalaan, ujeedada ay leeyihiina waa in muslimiinta dalalka ay qarxinayaan dagan la naco, lagu kaco dhibna loogu geysto, markaas ka dibna dadkaas muslimiinta ah ee la dhibey,  ay argagixisada ku biiraan, sidaas ayey argagixisadu rabtaa ama qorsheheedu yahay balse taas ka yeelimeyno, dadkaasna u gacangalinmeyno waayo waa dad aan dagaal iyo dhib toona wadin, argagixisadu diin ma matalaan ee waa danbiilayaal burcad ah, ayuu yiri Reysal wasaaraha dalkaan Sweden Stefan Löfven.

  Ururka LO oo ah ururka ugu weyn ururada shaqaalaha dalkaan Sweden iyo xisbiga Vänster-ka ayaa waxay soo jeediyeen in dib u habeyno balaaran lagu sameeyo siyaasadda dalkaan Sweden.

Karl-Petter Thorwaldsson oo ah hogaamiyaha urur weynaha shaqaalaha ee LO ayaa isu soo bixii 1-da may ka sheegey in ururkiisu rabi lahaa in amniga iyo daryeelka  dalkaan lagu maalgaliyo 70 bilyan oo karoon oo dheeraad ah afarta sano ee soo socota.

Xisbiga Vänster-ka ayaa isaguna dhankiisa soo jeediyey in dalkaani saddexda sano ee soo socota u hawlgalo sidii lix saacadood oo kaliya looga dhigi lahaa waqtiga ay maalin walba shaqeeyaan shaqaalaha ka hawlgala dalkaan Sweden .

Dhanka kalana si weyn ayaa waxaa looga soo horjeestey mudaharaad ay kooxda naazi-ga ah ee lagu magacaabo iska caabinta Nordi-gu maalintii 1-da may, ku qabsadeen magaalada Falun waxaana lagu qiyaasey dadkii ka soo qeybgaley isu soo baxaas ay ururka Nazi-ga ahi soo diyaariyeen ilaa iyo 570 qof.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".