Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Nin loo Qabtey masaajid habeenkii xaley dab la qabadsiiyey

La daabacay tisdag 2 maj kl 11.59
Qof loo qabtey masaajid xaley la gubey
(1:03 min)
Foto: Anders Wiklund/TT
Sawirkii : Anders Wiklund/TT

Ciidamada booliiska dalkaan Sweden ayaa qirey in uu jiro nin ay u qabteen dabkii habeenkii xaley la qabadsiiyey masaajid ku yaala Jakobsberg ee degmada Järfälla.

Masaajidkaan la gubey ayaa waxaa lagu magacaabaa masjidka Imaam Cali, waxaana ku cibaadeysta muslimiinta Shiicada ee xaafaddaas dagan.

Afhayeenka ciidamada booliiska Lars Byström ayaa wuxuu yiri isagoo arrinkaas ka hadlaya:

- Qof ayaa maanta arrinkaas loo qabtey, su’aalo ayaana falkaas laga weydiiyey, walina waa la hayaa intaas wax dhaafsiisanna ka sheegimeyno arrinkaan, ayuu yiri afhayeenka ciidamada booliiska dalkaan Sweden Lars Byström.

Dabkaan masjidka la qabadsiiyey ayaa loo aqoonsan yahay in uu ahaa dab la rabey in dad lagu dilo, ciidamada booliiskuna waxay wali wadaan baaritaankiisa.

Falkaan ayaa sidoo kale waxaa faraha la soo galey ciidamada sirdoonka dalkaan Sweden ee Säpo.

Kontomeeyo ciidamada dabdamiska ka tirsan ayaa habeenkii xaley oo dhan waxay la halgamayeen sidii ay dabkaas masaajidka la qabadsiiyey u damin lahaayeen.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".