Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Baaritaano lagu bilaabey dadka argagixisada la shaqeeya

La daabacay tisdag 2 maj kl 15.51
Morgan Johansson, wasiirka socdaalka Sweden. Sawirle: Jessica Gow/TT
Morgan Johansson, wasiirka caddaalada Sweden. Sawirle: Jessica Gow/TT sawir: Sawirle: Jessica Gow/TT

Dawladda dalkaan Sweden oo kaashaneysa xisbiyada mucaaradka ayaa rabta in ay danbiilayaal ula dhaqanto dadka xiriirka la leh ururada argagixisada ah.

Dawladda ayaa maanta soo bandhigtey hadafka baaritaano ay si deg deg ah ugu sameysey,kuna wado  arrinka argagixisada la xiriira kaas oo ay laba usbuuc ka hor balan qaadey sameyntiisa.

Maanta waxaa dalkaan Sweden mamnuuc ka ah in qofku ka qeyb qaato fal argagixiso iyo sidoo kale in uu argagixisada caawiyo.

Mushkilaadka sharci ee arrinkaan dawladda ka soo wajahay ayaa ahaa iyadoo dastuurka wadankaani dhigayo in ururada xoriyaddooda la dhowro, taas oo mamnuucidooda iyo dabagalkoodu sharciga dalkaan ka hor imaanayey. Lakiin dawladda ayaa laba usbuuc ka hor sheegtey in ay arrinkaas wax ka qabaneyso, waana tan keentey in dawladdu maanta ku dhawaaqdo in ay danbiilayaal ula dhaqmeyso cid kasta oo xiriir la yeelata ururo argagixiso ah.

Wasiirka caddaaladda dalkaan Sweden Morgan Johansson ayaa sheegey in baarlamaanka dalkaan Sweden uu noqon doono kan ansixinta qorshahaan looga fadhiyo doorashada sanadka soo socda dalkaan ka dhici doonta ka hor, kaas oo xilligaas ka hor ay dawladdu sharcigaan cusub hor geyn doonto.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".