Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Koontaroolka aqoonsi oo laga joojiyey safarka Denmark/Sweden

La daabacay tisdag 2 maj kl 16.15
Id-kontroll vid Kastrup. Arkivbild. Foto: Björn Lindgren/TT
Koontaroolka waraaqaha aqoonsiga. Sawirkii : Björn Lindgren/TT

Dawladda dalkaan Sweden ayaa maanta ku dhawaaqdey in ay joojin doonto koontaroolka aqoonsiyada ee horey loo weydiin jirey dadka safarka uga imaanaya  dalka Denmark.

Dawladda ayaa dhanka kale sheegtey in ay boqolkiiba boqol adkeyn doonto koontaroolka xuduudeheeda, sidaasna waxaa sheegtey waaxda wararka idaacadda Sweden ee Ekot.

Dadka Denmark ka imaanaya ayaa waraaqahooda aqoonsi la weydiin jirey marka ay soo raacayaan basaska, tareenada iyo doomaha u kala goosha dalalka Sweden iyo Denmark.

Dawladda Sweden ayaa koontaroolka aqoonsiyadaas waxay ku soo rogtey dadka safar ahaan uga imaanaya dalka Denmarka bishii november sanadkii 2015-kii, ka dib markii ay si sharci daro dalkaan Sweden u soo galeen dad qaxooti ah oo farabadan kuwaas oo ka soo talaabey dalka Denmark.

Koontaroolkaas lagu hayey aqoonsiyada ayaa waxaa intii muddo ahba ka cabanayey dadka u kala goosha magaalooyinka Malmö iyo Köpanhamn.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".