Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ilaalinta xudduudaha dalkaan Sweden oo la sii adkeynayo

La daabacay onsdag 3 maj kl 10.31
Sweden oo sii adkeyneysa ilaalinta xudduudeheeda
(1:55 min)
 Johan Nilsson/TT
Ciidanka ilaalada xuduudaha Sweden. Sawirkii : Johan Nilsson/TT

Wasiirka arrimaha gudaha dalkaan Sweden Anders Ygeman ayaa sheegey in ay si xoog leh kor ugu qaadi doonaan ilaalinta xuduudaha dalkaan Sweden.

Wasiirka arrimaha gudaha Anders Ygeman ayaa sheegey in adkeynta iyo ilaalinta xuduudaha dalkaan ay iska kaashan doonaan ciidamada booliiska , kuwa canshuuraha iyo waliba hey’adda socdaalka, wuxuuna yiri isagoo arrinkaas ka hadlaya:

-Dawladda waxaa ka go’an in ay sii wado siina adkeyso ilaalinta xuduudaha dalkaan, ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha dalkaan Sweden Anders Ygeman.

Wasiirka ayaa intaas ku darey in hoos u dhac aad u weyni ku yimid dadka qaxootiga ah ee ka soo talaabi jirey dhanka Danmark, koontaroolkii xuduudkaas la saarey ka dib.

Maalintii shaley ayey aheyd markii dawladda dalkaan Sweden ay ku dhawaaqdey in ay joojisey koontaroolkii aqoonsiga ee la weydiin jirey dadka safar ahaan uga imaanaya dalka Denmark.

Koontaroolkaan aqoonsiga ayaa waxaa horey gudaha dalka Denmark ugu sameyn jirey, rakaabkana weydiin jirey wadayaasha ama shaqaalaha gaadiidka ay soo raaci jireen dadka raba in ay u soo safraan dalkaan Iswiidhan.

Waxa hadda isbadeley waa in gaadiidkii dadku soo raacayeen laga joojiyey in ay waraaqaha aqoonsiga dalka Denmark gudihiisa ku weydiiyaan ama ku baaraan ka hor inta aysan dadkaas safrayaa dalkaan Sweden gaadiidkaas u soo raacin.

Ciidamada booliiska dalkaan Sweden ayaa iyagu hadda la wareegaya koontaroolka waraaqahaas aqoonsiga ee baraha xuduudka u dhexeeya dalalka Denmark iyo Sweden balse waxay dadkaas safarka ah aqoonsiyadooda baarayaan oo kaliya marka ay u soo talaabaan xuduudka dalkaan Sweden ee kuma soo baarayaan waraaqahaas aqoonsiga dalka Denmark gudihiisa sidii hadda ka hor ay u sameyn jireen wadayaasha iyo shaqaalaha gaadiidka isaga goosha labadaan dal ee Danmark iyo Sweden.

Dhanka kalana booliiska dalkaan Sweden ayey kadis ku noqotey go’aankii maalintii shaley ay dawladdu ku joojisey koontaroolka waraaqaha aqoonsiga dadka ka imaanaya dalka Denmark iyo waliba in la sii adkeeyo ilaalinta xuduudaha, waxayna sheegeen in aan arrinkaas mar hore loo sii sheegin.

Taliska sare ee ciidamada booliiska ayaa kulan loogu yeerey si ay uga tashadaan hawshaan soo siyaadey iyo isbadalka lagu dhawaaqey ee la xiriira joojinta koontaroolka waraaqaha aqoonsiga ee xadka Denmark.

Booliiska ayaa dhanka kale ka cabanaya miisaaniyaddooda maadaama aan waxba lagu siyaadin si ay sii kordhiyaan hawshooda la xiriirta adkeynta ilaalada xuduudaha dalkaan.

Balse wasiirka arrimaha gudaha dalkaan Sweden Anders Ygeman ayaa sheegey in ciidamada boolisku ay isku fileysiin doonaan miisaaniyadooda ka dib markii la joojiyey koontaroolkii waraaqaha aqoonsiga ee lagu hayey xuduudka dalkaani uu la leeyahay dalka Denmark.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".