Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Da’yarta kelinimada ku timid oo loo dheereynayo sharciga deganaansho

La daabacay torsdag 4 maj kl 10.16
Fati Pakyari: waa sharci dheef iyo dhiilo ba leh
(2:01 min)
Manifestation i Stockholm för ensamkommande
Banaanbax lagu taageerayo da'yarta kelinimada dalka ku yimid oo horey loogu qabtay Stockholm. sawir: Johan Nilsson/TT

Kadib marka ay soo dhameystaan waxbarashada dugsiga sare haddii lix bilood gudahooda ey ku helaan shaqo waxaa la siinayaa sharci deganaansho rasmi ah. Laakiin waa in ay waxbarashada ka natiijo keenaan.

Wax ka baddelka sharciga ayaa yimid kadib markii ay xukumaddu soo bandhigtay hindise sharci oo arrintan ku saabsan taas oo dhaleeceyn badan kala kulantay hey’adahii loo gudbiyey si ay uga soo talo baxiyaan.

Laakiin guddi hoosaadka baarlamaanka ee arrimaha bulshada ayaa tageeray hindisaha xukumadda oo suurogeliyey in xukumaddu ku guuleysato codeyn baarlmaanka shalay u qaadey sharcigan sidaasna uu ku meel mariyey.

Bisha lixaad kowdeeda ayuu wax ka baddelkan cusub dhaqan galayaa.

Sharciga cusub waxuu quseeyaa da'yarta kelinimada dalka ku timid waxii ka dembeeyey 24 november 2015 ee jirin cid waddamadoodii ku qaabilaysa haddii dib loo celiyo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".