Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shirkad iswiidhish oo lagu eedeeyey iibsiga shidaal suuq madow

La daabacay torsdag 4 maj kl 16.30
Is-daba-maryeeyn lagu haysto shirkadda Gunvor International
(3:38 min)
Dokument qaarkood la madoobeeyey, sawirka sare beejaj qoraallo la eegeyo.
Dokument qaarkood la madoobeeyey, sawirka sare beejaj qoraallo la eegeyo. sawir: Sveriges Radio

Baaris hoose oo ay laanta wararka ekot ku sameesay shidaal suuq madow ah ee laga keeno dalka Baalaraashiya ey waraaqo caddeeyn ahi muujineyaan in shidaalkaasi laga iibiyey shirkad laga leeyahay dalka Sweden ee lagu magacaabo Gunvor International – waana shirkad ka mid ah shirkadaha ugu waaweeyn ee olyada oo uu gacanta ku hayo jeneraal konsulka Sweden u fadhiya magaalada Jeneev, Torbjörn Törnqvist.

Laanta wararka Ekot ayay gacanta u soo galeen dokumentiyo caddeeynaya baaris lagu sameeyey shidaal suuqa madow ee laga keeno dalka Beela ruush sannadkii 2007. Howshan ayey la socdeen ama gacan ku lahaayeen qaar ka mid ah madaxda sare ee dalkaasi. Qoraal ka mid ah dokumentigaa ayay ku caddeeyd ciddii ugu dambeeysay ee shidaalkaa laga iibiyey. Waxayna u qornayd sidan:

"Sida ku cad war-bixinta xamuulkan in loo waday shirkadda Gunvor International".

Milkiilaha ugu dhumucda wayn ee shirkadda ayaa ah Torbjörn Törnqvist. Isla markaana ah jeneraal konsulka dawladda Sweden metela oo fadhigiisu yahay magaalada Jeneev.

Shirkadda Gunvor ayaa intii lagu guda jiray sannadihii 2000 si degdeg ah ku noqotay mid ka mid ah shirkadaha caalamka ugu waawayn ee shidaalka ka ganacsada. Hase yeeshee la tuhunsanaa in kor u kaca dhaqaale ee shirkaddu ka dambeeysay sharci   darro. Torbjörn Törnqvist ayaa ka gaabsaday inuu arrintaa faallo ka siiyo laanta wararka ee ekot, hase yeeshee mar ay idaacaddu wareeysli la yeelatay sannadkii 2008 ayuu iska dheereeyay amuurtaa.

– Si xaqiiq ah oo uu tartan furan ku dheehan yahay ayaannu ula howl-galnaa shirkadaha dalkaasi ruushka. Marar badanna waannu ku guuleeysanaa qandaraasyada. Waa xaalad sidaa u sahlan ayuu yiri Torbjörn Törnqvist waagaa.

Hase yeeshee sida ay idaacaddu qoraallo ku hayso ayaa kumanaan tan oo shidaal ah si suuq madow loo soo mariyaa dalka Baalaruush oo ay soo gaaraan shirkadda Gunvor.

Af-hayeen u hadlayay shirkadda Gunvor ayaa farriinta mail-ka ku qoray in shirkaddu aanay haba yaraatee wax khalad ah gelin. Iyadoona ganacsigaasi uu dhacay kolkii uu soo dhaafay xuduudda dalka Beela Ruushka.

In shirkadda Gunvor la socotay in shidaaku ahaa mid suuq madow ayaan ku caddeeyn qoraallada dokumentiga ah ee idaacaddu faraha ku hayso. Hase yeeshee kolkii la waydiiyay sarkaal ka tir-sanaa ciidanka nabad-sugidda ee KGB Andrei Molchan oo baarista qayb ka ahaa uu sheegay in aanay suurtagal ahayn inaan laga war-qabin.

Ma laga yaabaa in shirkadda Gunvor aanay war ka hayan?

– Waa mid aan suurtagal ahayn. Haddii kale looma baahdeen gacan-dhexaad, sida uu sheegay Andrei Molchan.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".