Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qaxootiga oo loo sahlo shaqada

La daabacay torsdag 4 maj kl 15.30
Qaxooti sugaya in lagu qaabilo xafiiska hayadda socdaalka Solna.
Qaxooti sugaya in lagu qaabilo xafiiska hayadda socdaalka Solna. sawir: Marcus Ericsson/TT

Baare ayaa loo saarey sidii looga soo baaraan-degi lahaa in gunnada la siiyo dadyoowga dalka ku cusub loogu xiri lahaa ka qayb-qaadashada howlo kala duwan.

Tusaale ahaan in lacagta gunnada laga dhimo shakhsiga dalka ku cusub ee aan ka qayb qaadan casharrada jiheeynta bulshada.

Tallaabadani ayaa ahayd fikir ey ka mideeysnaayeen dawladda iyo ururrada mucaaradka ee garabka midig heshiiskii ey wada gaareen ee la xiriiray siyaasadda socdaalka dayrtii 2015.

Baaraha ayaa sidoo kale eegis ku sameeyn doona suurtagalka ah in ruuxa ajnabiga ahi uu tababar xirfadeed (praktik) uu sameeyn karo muddada uu jawaabta ka sugayo dalabkiisa magan-gelyo doon oo haddii uu shaqa ku helana ay halkiisa uga sii socon karto gunnadiisa maalmeed.

Ugu dambeeyn 31-ka bisha oktoobar ayaa looga fadhiyaa baaruhu inuu howlaha loo xil-saaray ka war keeno.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".