Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Törnqvist oo jagadii iska casilay baaristii ekot dabadeed

La daabacay torsdag 4 maj kl 20.06
Torbjörn Törnqvist.
Törbjörn Törnqvist oo codsaday inuu ka dego jagadii jeneraal konsul-nimada. sawir: Joakim Goksör/TT

Jeneraal konsulka Sweden ee magaalada Geneeve Torbjörn Törnqvist ayaa ku dhawaaqay inuu howshaa isaga degay kadib kolkii lagu eedeeyey warar ay heshay laanta wararka Ekot shidaal suuq madow lagu iibiyay ee laga keenay dalka Beelaruush.

Torbjörn Törqvist ahna agaasimaha guud ee shirkadda Gunvor International, lehna saamiga ugu badan ee shirkadda ayaa ka dambeeysay iibsigii shidaal si suuq madow ah loo soo mariyay dalka Beelaruush sida ay laanta wararka ekot xog ku heshay.

Qoraal ay ekot ka heshay laanta saxaafadda ee wasaaradda arrimmaha dibadda Sweden ayaa sidan u qornaa:

Laanta wararka Ekot ayay gacanta u soo galeen dokumentiyo caddeeynaya baaris lagu sameeyey shidaal suuqa madow ee laga keenay dalka Beela ruush sannadkii 2007. Howshan ayey la socdeen ama gacan ku lahaayeen qaar ka mid ah madaxda sare ee dalkaasi. Qoraal ka mid ah dokumentigaa ayay ku caddeeyd ciddii ugu dambeeysay ee shidaalkaa laga iibiyey. Waxayna u qornayd sidan:

"Sida ku cad war-bixinta xamuulkan in loo waday shirkadda Gunvor International".

Milkiilaha ugu dhumucda wayn ee shirkadda ayaa ah Torbjörn Törnqvist. Isla markaana ah jeneraal konsulka dawladda Sweden metela oo fadhigiisu yahay magaalada Jeneev.

Shirkadda Gunvor ayaa intii lagu guda jiray sannadihii 2000 si degdeg ah ku noqotay mid ka mid ah shirkadaha caalamka ugu waawayn ee shidaalka ka ganacsada. Hase yeeshee la tuhunsanaa in kor u kaca dhaqaale ee shirkaddu ka dambeeysay sharci   darro. Torbjörn Törnqvist ayaa ka gaabsaday inuu arrintaa faallo ka siiyo laanta wararka ee ekot, hase yeeshee mar ay idaacaddu wareeysli la yeelatay sannadkii 2008 ayuu iska dheereeyay amuurtaa.

                                                  somali@sverigesradio.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".