Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Boliska xuduudaha oon awoodin raadinta qaxootiga dhuumaaleeysta

La daabacay fredag 5 maj kl 10.28
Boliska:awood uma heyno baadi goobta dadka sharci la'aanta ah
(2:24 min)
labo bolis ah
sawir: Johan Nilsson/TT

Boliiska dalka waxaa ku kordhay cadaadiska ah in ay soo helaan oo dalka ka masaafuriyaan dadka  sharci la’aanta ah.

Balse todobada waaxood ee boliska dalku ka kooban yahay saddex ka mid ah ayaa sheegay in aysan awood dhaqaale iyo shaqaale midna u heynin kontorolka iyo raadinta dadka sharci la’aanta dalka ku jooga.

– Dhanka tirada ciidana weli sidii ay ahaan jirtay waaye. Saas oo ay tahay waxaa boliiska ku kordhay hawlaha kale ee ay tahay in aan qabano iyada oo aysan jirin hanti dheeraad ah oo boliiska lagu kordhiyey, ayuu yiri Esad Ajanovic oo ah madaxa unug ka tirsan boliska xaduudaha.

Kadib falkii argagaxiso ee dhawaan dalka ka dhacay waxaa boliska ku kordhay dalabyada ah in ay soo helaan oo dalka ka masaafuiryaan dadyowga waraaqo la’aanta dalka ku jooga. Magaalada Örebro keliya bolisku wuxuu ka baadi goobayaa tiro kor dhaafaysa 587 qof oo ay tahay in dalka laga masaafuriyo.

– Waxaa dhici karta in qar badan oo ka mid ah dadkan ay dalka dhuumasho ku sii joogaan, waxaa dhaci karta dalka in ay muddo joogeen oo aysan sameysteen xiriiro iyo goobo ay ku dhuuntaan, ayuu yiri Esad Ajanovic.

Si habo dadkan gacant loogu soo dhigo kadibna dalka looga masaafuriyo waajib waxaa ku ah ciidamada boliska in ay fuliyaan kontoroolo lagu badi goobayo shaqsiyaadka la masaafurinayo. Tusaale boliiska in uu booqasho kontorol ku tago goobaha shaqada, laakiin taas looma hayo hanti iyo ciidamo midna. Laamaha boliiska ku yaala Bergslagen, bartamaha iyo waqooyiga dalka ayay madaxdoodu sheegen in aysan ciidmo u heynin kontorola gudaha waddanka. Mana jirto wax muujnaya in xaaladu wax iska baddeli doonto dhawaanahan.

– Waxaan bilownay shaqaale qoris laakiin ciidamadii bolis ee aan qoranay weli kama howl bilaabin boliiska xaduudaha waayo weli waxaa looga baahan yahay goobihii ay awal ka howl-gali jireen, ayuu yiri Esad Ajanovic oo madax u ah guuto ka tirsan boliska xaduudda.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".