Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Maanta oo ay noqon karto maalinta ugu kulul Stockholm

La daabacay fredag 5 maj kl 12.03
17-18 digrii oo kuleeyl ah
(1:54 min)
laba shakhsi oo xeebta ku qorraxeeysanaya.
laba shakhsi oo xeebta ku qorraxeeysanaya. sawir: Leif R Jansson / TT

Maanta ayaa noqon karta maalinta ugu hawo kulul magaalada Stockholm inta sannadka lagu guda jiray, sidaa waxaa sheegtay Charlotta Eriksson ahna howl-wadeenad ka haowl-gasha hayadda saadaalinta hawada ee magaceeda loo soo gaabiyo SMHI.

– Waxay maanta noqon doontaa maalin qorraxeed. Dalka waxaa dhanka waqooyi uga yimid hawo dabac-san, middaasina oo hor-seedi karta inuu heer-kulku gaaro illaa iyo 17-18 digrii oo kuleeyle ah. Haddii haddaba uu heer-kulka hawadu gaaro maanta 17,5 digrii oo kuleeyle ah ayuu macnihiisu yahay rikoor-xilliyeed cusub magaalada Stockholm, sida ay sheegtay Charlotta Eriksson oo ka howl-gasha SMHI.

Rikoorka illaa hadda jiray ayaa ka soo jeeda bishii maarso, sida ay sheegtay Charlotta Eriksson.

Sida ay saadaalinayso hayadda SMHI in maalmaha sabtida iyo axadda foodda innagu soo haya ay hawadu ka qaboobaan iyo xasilooni darnaan doonto magaalada Stockholm.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".