Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Toddobaadka siyaasadda Järva

La daabacay fredag 5 maj kl 16.27
Toddobaadka Järva oo tartan kula jira toddobaadka Almedalen
(3:19 min)
Fotograf: Charles Ludvig
Axmed Cabdiraxmaan. sawir: Charles Ludvig

Muddada lagu guda jiro abaabulka Toddobaadka siyaasadda ee jasiiradda Gotland ee lagu magacaabo Almedalen ayaa sidoo kale abaabul la mid ah uu ka socdaa toddobaadka siyaasadda ee nawaaxiga Järva, Politikerveckan i Järva. Waana markii ugu horreeysay.

Axmed Cabdiraxmaan, ahna shakhsiga ka dambeeyay toddobaadka siyaasadda ee nawaaxiga Järva, ayaa sheegay in fikirkiisu aannu ahayn sidii uu tartan ula geli lahaa Visby, hase yeeshee uu yahay mid dhammeeys-tiraya, sida uu sheegay:

- Haddii ey siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha siyaasaddu yimaadaan nawaaxiga Järva, ey bartaan bulshada ku dhaqan nawaaxigaa, wax ka ogaadaan cawaaqibta hor-taagan. Waxaa marka muhiimad ku fadhida in siyaasiyuuntu ka helaan sawir ka duwan oo dhammeeys-tiraya midka ey har iyo maalin ka hadlaan, sida uu sheegay.

Toddobaadka siyaasadda ee nawaaxiga Järva oo ka dhici doona Spånga taariikhda    10-18 bisha juun ayey sideedda xisbi ee xubnaha ku leh baarlamanku uu xisbi walba maalin ku yeelan doonaa dabadeedna uu ka hadli doonaa goobtaa hoggaamiyaha xisbigaasi.

- Aad iyo aad ayaannu ugu farax-sannahay in dhammaan hoggaamiyeyaasha xisbiyadu ey naga ogolaadeen iney ka soo qeyb galaan. Labada hoggaamiye ee Socialdemokraterna Stefan Löfven iyo Sverigedemokraterna Jimmy Åkesson ayey ahaayeen kuwii ugu dambeeyey ee jawaab naga soo siiya iney ka soo qayb geli doonaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".