Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Tirada socotada oo korortay kadib joojintii kontoroolka aqoonsiga

La daabacay måndag 8 maj kl 11.32
"Weli si fiican uma hirgelin warka ah in la joojiyey aqoonsi weydiinta"
(1:47 min)
Polis övervakar kön av ankommande flyktingar i snålblåsten vid Hyllie station utanför Malmö i slutet av november 2015.
Bolis ilaalinaya qaxooti Sweden soo galay dhamaadkii sannadkii 2015. sawir: Johan Nilsson/TT

Wixii ka dambeeyay qaadistii kontroolka waraaqaha aqoonsiga ee xuduudda u dhexeeysa waddammada Danmarka iyo Sweden ayey kor u kaceen qaxootiga magan-gelyada dalka ku yimaada ee xuduudda lagu joojiyo.

Khamiistii toddobaadkii ina dhaaftay ayay dawladdu go’aamisay in la joojiyey kontroolkii waraaqaha aqoonsiga ee rakaabka isaga goosha gaadiidka tareemmada, basaska iyo maraakiibta ee xuduudda u dhexeeysa waddammada Danmarka iyo Sweden. Goolka laga lahaa kontroolladaa oo la sharciyeeyey 4 jannaayo 2016 ayaa ahaa sidii loo dhimi lahaa qaxootiga ku soo qulqulayey dalka Sweden xilligaasi, maadaama xuduudda lagu qaabilayey oo keliya qaxootiga sitay waraaqo aqoonsi.

Xuduudda Sweden ayey magan-gelyo ka dalban kartaa ciddii aan heysan xuquuq ey dalka ku joogto. Iyadoona intii sannadka lagu guda jirey ay tiradaasi gaarsiisnayd 5 ruux toddobaadkii. Hase yeeshee wixii khamiistii ka dambeeyay xuduudda laga soo daayey 24 ruux sidii ey dalabkooda magan-gelyo doon uga diiwaan gelin lahaayeen wakaaladda socdaalka, sida uu sheegay Michael Mattsson, ahna madaxa ciidanka xuduudda ee carriga koonfurta. 

Waa dadyoow aannu xuduudda ku qabaney. Xalay waxey dhammaayeen sagaal ruux, sida uu sheegay. Iyada oo tiro intaa ka badanna xuduudda laga celiyey. Kuwaasina oo ah dadyoow horey magan-gelyo uga dalbadey waddan ka mid ah waddammada EU ama horey loogu xukumey tarxiil ama in dalka aaney soo gelin.

Sabtidii iyo axaddii ugu dambeeysay oo keliya ayaa xuduudda dalka dib looga celiyey 88 ruux. Halka ay tiradaasi horey u gaarsiisnayd inta u dhexeeysa 40 illaa iyo boqol ruux toddobaadkii. Wixii ka dambeeyay qaadistii kontroolka waraaqaha aqoonsiga ayey dadyoowga dib loo celiyey la xiriireen qaxooti deggenaansho ku heley dalka Danmark. Kuwaasina oo dalka dib looga celiyey maadaama aaney wadan baasaboorradii waddammada ey ka soo jeedaan, sida uu sheegay Michael Mattsson.

Qaxootiga iyo socotada ayaa badankood lagu celiyey xuduudka Hyllie, halkaasina oo lagu kontaroolo tareemmada ka yimaada dalka Danmark.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".