Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Nin lagu qabtay xarunta madaxtooyada Stockholm

La daabacay måndag 8 maj kl 11.35
Xarunta madax-tooyada dalka ee magaalada Stockholm.
Xarunta madax-tooyada Stockholm iyo waardiyeyaal ilaalineya. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Nin ayaa lagu qabtay dhismaha xarunta madaxtooyada ee magaalada Stockholm. Ninka ayey markii hore gacanta ku dhigeen waardiyeyaal dabadeedna gacanta loo geliyey ciidanka ammaanka.

- Ilaaliyeyaasha xarunta madaxtooyada ayaa gacanta ku dhigey nin dabadeedna telefoon nagula soo xiriirey. Goobta ayaannu tagney oo gacanta ku dhigney ninkaasi annagoona u kaxeeyney isteeshinka boliiska, sida ay sheegtay Eva Nilsson, sarkaalad ka howl-gasha ciidanka ammaanka magaalada Stockholm oo la hadleeysay lhayadda wararka Sweden ee magaceeda loo soo gaabiyo TT.

- Waxaa ninkan lagu tuhun-san yahay dembiga isku day dagaal ee shaqaale, kuwaasina oo loola jeedo waardiyeyaasha iyo sidoo kale meel kaga dhac sharciga difaaca goobaha (dhismooyinka), maadaama xarunta madax-tooyadu ka mid tahay goobaha ammaanka.

Ciidanka ammaanka ayuu dhambaal soo gaaray saacaddu kolkay ahayd 9:15 subax-nimo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".