Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dacwaddii Kevin oo dib loo baari doono

La daabacay måndag 8 maj kl 15.01
"Duruufo cusub baa qasab ka dhigay"
(1:48 min)

Xeer-ilaaliyaha magaalada Karlstad ayaa maanta go’aan ku gaaray in uu dib u furo baaritaanka dil loo gestay wiil afar jir ahaa 16kii Agoosto 1998.

Madaxa xeer-ilaalinta Niclas Wargren ayaa sheegay in ay jiraan duruufo cusub oo qasab ka dhigaya in la furo oo dib loogu noqdo dacwaddii dilka.  

– Waxaan go’aan ku gaaray in dib loo furo dembi baarista arrintan kadib markii idaacdda SVT iyo DN ay u kuur galeen oo ay soo baxeen macluumad cusub oo qasab ka dhigaya in aan dib u eegno kiiska, sida uu sheegay xeer-madax ilaaliye Niclas Wargren.

Kiiska dilka loo geystay Kevin oo markas afar jir ahaa ayaa dhacay muddo ay iminka ka soo wareegtay ku dhowaad 18 sannadood. Boliska ayaa waagas dilkan ku eedeyey labo wiil oo walaalo ah oo markas da’dooda ahayd shan jir iyo toddoba jir. Maadaame wiilasha la eedeyey aad u da’yaraayeen ayaa wax dacwad ah lagu soo oogin.

Telefishinka SVT iyo wargeyska Dagens Nyheter ayaa dhawaan kashifay gaabsiyo iyo tayo xumo badan oo ka buuxay baaritaanka boliiska.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".