Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Reepalu: Macaashka laguma dhimi karo qiimeeynta tayada howlaha

La cusbooneeyay tisdag 9 maj kl 10.35
La daabacay tisdag 9 maj kl 08.32
Andersson: Wuxuu noqon doonaa su'aal lagu doorasho galo haddii kale.
(3:04 min)
Ilmar Reepalu oo qayb ka mid ah ku soo ban-dhigaya xarunta madax-tooyada.
Ilmar Reepalu, baaraha dawladda ee nidaamka hab-nolol wanaagga. sawir: Jonas Ekströmer/TT

Shuruudda tayadu kuma filna sidii loo dhimi lahaa macaashka shirkadaha ku howl-gala adeegga bulshada, middaasi ayaa lagu caddeeyey baarista nidaamka hab nolo-wanaagga ee maanta la soo ban-dhigi doono. Ulla Andersson, ahna af-hayeenka dhaqaalaha ee xisbiga Vänsterpartiet ayaa soo dhoweeysay natiijada baarista.

Waa arrin macquul ah in loo baahan yahay sidii loo joojin lahaa helista macaashka aan xadeeysnayn. Dalka Sweden ayaa ku keli ah nidaamka noocani ah maanta iyo in dhanka kale la yagleelo qiimeeyn aas aas tayo. Kolkaa ayaa la heli karaa hoggaan aamin leh. Xaqiiqdii waxaa maanta jira hab sharci ah oo qallaf-san (byråkratisering).

Fikirkaa ayaa dhiilo ballaaran ka dhaliyay gaar ahaan shirkadaha ku howl-gala adeegga bulshada iyo afarta xisbi ee mucaaradka kuna midoobey garabka Alliansen-ka oo suulka hoos ugu dhigay. Halka ay soo jeediyeen fikirka ah in la adkeeyo aasaaska gogol-dhigga tayada oo dammaanad qaadi lahaa tayada hab-nolol wanaagga. Waa mid uu dib isaga riixay Ilmar Reepalu mar uu maqaal ku qoray war-geeyska maalinlaha DN boggiisa doodda. Fikrika aasaaska gogol-dhiga wuxuu un abuuri lahaa nidaam howleed qalaf-san iyo maamul howleed iyada oo aan wax ka bedelayn macaashka shirkadaha, sida uu aamin-san yahay Reepalu.

– Waxaan u maleeyn in aannu mooshin soo dhigi doonno sidii horay loogu talo jirey oo dabadeed xisbiyada kale dhammaantood ey dhgegaha u furaan waxa ay bulshadu leedahay. Oo middaasi suurtageliso inuu mooshinkaasi gudbo, haddii kale gadaal ayuu ka gudbi doonaa.

Waxaad ula jeeddaa wuxuu noqon doonaa su’aal doorashada u taala?

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".