Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shaqaale la’aan sababtay in adeega rugaha caafimaadku xumaado

La cusbooneeyay tisdag 9 maj kl 15.52
La daabacay tisdag 9 maj kl 14.31
Gayre: Shaqaala la'aanta rugaha caafimaadka waxaa ugu wacan mushaarooyinka oo yar.
(3:29 min)
sjuksköterska.
Kalkaaliso caafimaad. sawir: Meek, Tore

Rugaha caafimaadka dalkaan oo la’ shaqaale xirfad ahaan u tababaran ayaa sababey in aysan kor u kicin bukaan socod badan oo adeega rugahaas u baahan.

Dhibaatadan ayaa shaqaalaha rugaha caafimaadka raad weyn ku yeelatey kuwaas oo dareemaya in dhibaatooyinkaasi ay badanaa ka hor istaagaan in bukaan socodka ay daaweynayaan aysan si hufan u siin daryeelkii caafimaad ee ay u baahnaayeen.

Håkan Griph oo ah takhtar ka hawlgala isbitaalka jaamacadda magaalada Lund ayaa isagoo dhibaatadaan ka hadlaya waxaa uu yiri:

- Waxaan qabaa in shaqaalaha qeybaha isbitaalka oo dhammi dareemaan iney sida ugu dhakhsiyaha badan guryohooda ugu diraan bukaan socodka ay daaweynayaan si ay badalkooda u qaabilaan bukaan socod cusub, ayuu yiri Håkan Griph oo ah takhtar ka hawlgala isbitaalka jaamacadda magaalada Lund.

Mats Runsten oo ka hawlgala ururka shaqaalaha rugaha caafimaadka ayaa sheegey in baahida rugaha caafimaadka ka jirtaa aysan aheyn lacag la’aan heysata balse ay la’ yihiin takhaatiir iyo kalkaaliyayaal xirfadeysan oo rugahaas ka hawlgali kara. Sida arrinkaas loo xalin karaana waa iyadoo tanaasulaad badan loo sameeyo dadka ka hawlga meelaha muhiimka ah ee rugaha caafimaadka.

Mats Runsten waxaa hadaladiisa ka mid ahaa:

- Si loo shaqaaleysiiyo loona xafito shaqaalahaas waxay u baahan tahay in wax laga qabto dibna loo eego mushaarada shaqaalahaasi ay qaataan, mudada ay shaqeeyaan, mushaaraadka la siinayo koodii leh takhasus aqooneed iwm, sida uu sheegay Mats Runsten oo ka hawlgala ururka shaqaalaha rugaha caafimaadka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".