Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhallinyaradu wey ku qanacsan yihiin hab nololeedkooda galmo

La daabacay tisdag 9 maj kl 16.09
Laba ruux oo gacmaha is haysta.
Laba shakhsi oo gacmaha is haysta oo meel maraya. sawir: PONTUS LUNDAHL

Dahllin-yaro badan oo iswiidhish ahi waxey suulka kor ugu taageen hab-dhaqankooda nololeed ee galmada. Tiro kor u dhaafaysa bar 56% ee wax laga weeydiiyay ayaa sidaa qaba.

Baaris ballaaran oo uu machadka caafimaadka bulshadu ku sameeyay hab-dhaqanka nololeed ee galmada ayey dhallin-yaradaasi kaga jawaabeen inay ama ku qanac-san yihiin amaad aad ugu qanac-san yihiin noloshooda galmada.

War-bixintan oo maanta oo salaasa ah la soo ban-dhigey ayey qayb ka ahaayeen 7 755 ruux oo da’doodu u dhexeeyso 16-29 sannadood iyadoona su’aalo gun u dhac ah laga weeydiiyay dabeecadahooda galmada, sida uu qoray war-geeyska Dagens Nyheter (DN).

War-bixinta ayay sidoo kale ku caddeeyd in 90% dhallin-yaradii la wareeystey ey galmadoodii ugu dambeeysay u sameeyeen si ey ku qanac-sanaayeen iyagu.

War-bixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay iney hablihii baaristan ka qayb qaatey loo geeystey falal faqooq ama meel ka dhac ah, halka tiradaasi wiilashu ay ahayd 15%.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".