Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i Skogsbo och räddningsledaren uppmanar alla som befinner sig i området att gå inomhus och stänga dörrar, fönster och ventilation. För mer information lyssna på Sveriges Radio P4 Dalarna.
(Publicerat idag kl 17.31)

Alliansen oo ka dhiidhiyey natiijadii baarista macaashka adeegyada

La daabacay tisdag 9 maj kl 20.26
Ilmar Reepalu oo baaristiisii la dhaleeceeyey.
Ilmar Reepalu oo baaristiisii la dhaleeceeyey.. sawir: Henrik Montgomery and Claudio Bresciani / TT.

Baaraha dawladda ayaa qaba in loo baahan yahay nidaan xadidaya saqafka macaashka howlaha adeegyada bulshada si tayada howlahaasi kor loogu qaado.

Garabka midig ee siyaasadda Alliansen (garabka mucaaradka) ayaa doonaya in la dejiyo shuruud tayo ii howlaha dar-yeelka caafimaadka, iskuullada iyo xannaanada iyagoona ka dhiidhiyey natiijada baarista la soo ban-dhigey.

"Macne la’aan"

Baraha dawladdu u xil-saartay ka soo baaran-degga howshan Ilmar Reepalu wuxuu aamin-san yahay in loo baahan yahay hab lagu qiimeeyo tayada, hase yeeshee ku ekaaday inuu farta ku fiiqo oo keliya goobaha howlahaa u baahan. Isagoo dhanka kale sheegay inay howlahaasi ku bixi lahayd maamul howleed aad u fara badan sidii sidii loo xaqiijin lahaa ama loola socon lahaa.

Dhanka kale wuxuu sheegay in loo baahan yahay saqaf macaashka shirkadaha ku howl-gala adeeggyada hab nolol wanaagga si loo xaqiijiyo awoodii lagu qaadi lahaa tayadooda.

Hoggaamiyaha xisbiga Liberalerna Jan Björklund ayaa sheegay in baaraha dawladdu uu gool la’aan un ku dhegay xadidaadda macaashka, isagoona ku magacaabay fikirkaa saqafka macaashka ee soosiyaaliismada.

- Waa wax aan macne ku fadhiyin in aan la shuruudeeyn karin tayada howlaha dar-yeelka caafimaad iyo tacliinta, sida uu sheegay.

"Natiijooyin horay loo carbuuntay"

Af-hayeenka siyaasadda dhaqaalaha xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson ayaa dhaleeceeyn la mid ah baarista u soo jeediyay.

- Waa baaris horay loo carbuuntay natiijadeeda. Reepalu wuxuu og-soonaa natiijada uu la iman lahaa, wuuna ka soo hor-jeedaa xoriyadda kala doorashada, sida uu sheegay.

Handadaad dahsoon

Heshiis dawladdu la gaartay xisbiga Vänsterpartiet in dawladdu soo ba-dhigto inta aan la gaarin doorashada 2018 dhici doonta mooshin arrinkaa ku saab-san. Hoggaamiyaha xisbiga Jonas Sjöstedt ayaa filaya in mooshinkaasi uu ahaan doono mid taabac-san dejinta saqafka macaashka. Isagoona carrabka ku dhuftay in xisbigiisu uu dhankiisa ka soo baxay heshiiskii maadaama uu dawladda kala shaqeeyay howlaha miisaaniyadda.

Wasiirka bulshada Ardalan Shekarabi (S) ayaa sheegay in loo baahan doono tallaabooyin kala duwan oo la qaado sidii loo xaqiijin lahaa dakhliga nidaamka hab-nolol wanaagga, hase yeeshee aannu maanta oran karin in mooshinka aanu ku qeexnaan doonin saqaka macaashka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".