Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shaqa la'aanta oo kor u kacday muddo dhowr sano ah dabadeed

La cusbooneeyay onsdag 10 maj kl 11.02
La daabacay onsdag 10 maj kl 09.08
22% ayaa shaqa la'aan ku sugnaa ajaaniibta dalka ku sugan
(2:20 min)
Dadyoow shaqo ka baaraneya xafiiska shaqada.
Dadyoow shaqo ka baaraneya xafiiska shaqada. sawir: Bertil Enevåg Ericson / TT

Shaqa la’aanta oo kor u kacday markii ugu horreeysay muddo dhowr sannadood ah, sida ku cad tira-koobka xafiiska shaqada.

Sababaha ugu wacan ayay ka mid tahay iyada oo qaxootigii faraha badnaa ee dalka soo galey xilligii dayrta ee 2015 ey iska diiwaan-geliyeen xafiiska shaqada, sida ay sheegtay madaxa waaxda saadaalinta ee xafiiska shaqada Annika Sundén.

– Markii ugu horreeysay sannadkii 2013 ayey kor u kaceen dadyoowga ku qoran xafiiska shaqada.

Maxaad ku magacaabi lahayd?

Sannadihii ugu dambeeyey ayey tartiib hoos ugu dhacday tirada shaqa la’aantu, kolka laga eego tirada shaqa la’aanta iyo xoogga shaqadauba, iyada oo iminka sawirkaasi wax iska badalay. 

Tirada shaqa la’aanta ayaanay wax iska bedelin, iyadoo bishii abriil ey xafiiska shaqada ka diiwaan-gashenaayeen tiro gaarsii-san 364 000 ruux, sida ku cad tira-koobka xafiiska shaqada. Waa tiro kor u kacday 4 000 oo ruux marka loo barbar-dhigo isla wakhtigaa sannadkii tagay, waana kor u kac aan dhicin laga soo bilaabo xilligii dayrta ee 2013.

Ma laga yaabaa inay sidaa ku sii socoto? 

– Xaqiiqdii haa, illaa inta lagu guda jiro sannadka 2017, sida ay sheegtay.

– Dadyoowga asal ahaan ka soo jeeda dalka dibaddiisa ayaa u baahan in loo qabto howlo kala duwan sidii ey qeyb uga noqon lahaayeen suuqa shaqada Sweden, waana mid muddo qaadanaysa, siad ay sheegta Annika Sundén, madaxa laanta saadaalinta ee xafiiska shaqada.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".