Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Akilov oo aan maskaxda ka bukin markii uu falka argagaxiso galayay

La daabacay onsdag 10 maj kl 11.50
Qareenka Akilov:"Arrinkani ma saameeynayo kiiskan"
(1:07 min)
Weerarkii argagaxiso ee magaalada Stockholm.
Weerarkii argagaxiso ee magaalada Stockholm. sawir: Jonas Ekströmer/TT

Rakhmat Akilov oo lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay weerarkii argagaxiso ee magaalada Stockholm bishii briil ayaa la caddeeyay in aanu maskaxda ka xanuusaneeyn markii uu falkan sameeyay.

Sidaas ayaa laga ogaaday ka dib baadhitaan lagu sameeyay ninkan. Rakhmat Akilov ayaa hadda ku xidhan xabsi Stockholm ku yaala inta go´aan laga gaadhayo dacwaddiisa.

Natiijada baadhitaanka maskaxda ayaa hadda loo dirayaa maxkamada magaalada Stockholm.

Johan Eriksson qareenka Rakhmat Akilov:

-Ila ma aha in warbixintan cusubi saameeynayo kiiska Akilov, sida uu sheegay Johan Eriksson.

Weerarkan lagu tuhmayo Rakhmat Akilov inuu ka dambeeyay ayey shan qof ku geeriyoodeen suuqa ugu saxmada badan magaalada Stockholm ee Drottninggatan. Halkaas ayuu dhowr iyo toban qof mariyay baabuur xamuuka ah. 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".