Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Muwaadiniinta EU oo gudaha Schengen lagu baari doono

La daabacay onsdag 10 maj kl 13.15
Is-badal la waafajineyo xeerka EU
(2:37 min)
Patrik Engström, madaxa ciidanka xuduudaha qaranka.
Patrik Engström, madaxa ciidanka xuduudaha qaranka. sawir: Jonas Ekströmer/TT

Dawladda Sweden ayaa ku talo jirta baaris ka adag inay ku soo rogto muwaadiniinta EU ee u soo socdaala dalka Sweden, kuwaasina oo ka soo baqoola waddammo ka bax-san kuwa ku bahoobey heshiiska Schengen. Waxaa rakaabkaa lagu khasbi doonaa in faro iyo sawirro laga qaado.

Waxaa loola jeedaa in baaris lagu sameeyo war-bixinta dijitalka ee ku sugan baasaboorrada waddammada EU, waxa agu magacaabo biometrin. Sida la og-soon yahay waxaa  baasaboorrada EU ku keeyd-san sawirka faraha iyo qaab dhismeedka wejiga, sidaa daraadeed iyada oo la isticmaaleyo aalado khaas ah in baaris lagu sameeyn karo xogta baasaboorka ku keeyd-san iyo cidda baasaboorka wadata.

Sida xeerku maanta qorayo in baaris noocaasi ah lagu sameeyn karo oo keliya muwaadiniinta aan u dhalan waddammada EU iyo nawaaxiga Schengen.

– Sidoo kale waxaa baaris sahlan lagu sameeyn doonaa muwaadiniinta EU. Sawirka wejigooda iyo midka farahooda ee baasaboorka ku sugan, middaasina oo la isu barbar-dhigi doono , sida uu sheegay Patrik Engström, madaxa ciidanka xuduudda ee qaranka.

Is-bedel ku saleey-san xeerka EU.

Patrik Engström ayaa soo dhoweeynaya is-bedelka isagoona sheegay inay ka sahlanaan doonto sidii lagu ogaan lahaa cidda wadata dokumenti aanay iyadu lahayn, sida uu sheegay waxa lagu magacaabo look-a-like-pass.

Waa hab aad ugu wanaag-san sidii lagu ogaan lhaa suuqa madow ee isticmaalka baasaboorrada. Waxaa suurtagl noqonaysa in cidda dokumentiga sidataa ay tahay, midda sharciga u leh ee la siiyey, sida uu sheegay.

Fikirka xeerkan oo iminka ku maqan hayadaha ku shaqada leh sidii ey uga soo fikir bixin lahaayeen ayaa lagu soo jeediyey in sawirrada faraha iyo qaabka wejigaba la xooro oo aan la keeydin baarista dabadeed.

Goorta uu xaarkani hirgeli doono ayaan weli la xaqiijin, maadaama loo baahan yahay aaladihii teknikada ee ciidanka garoommadu ey istcmaali lahaayeen.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".