Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shaqo doon: xaafiiska shaqada caawinaad kamo helno

La daabacay onsdag 10 maj kl 13.42
"Waxba naguma caawiyaan"
(3:09 min)
Arbetssökande. Foto: Henrik Montgomery/TT.
Haweeney shaqo doon ah.. sawir: Henrik Montgomery/TT.

Qaar ka mid ah shaqo doonayaal ku sugnaa xaafiiska shaqada ee Xaafadda Kista waxey Radio Sweden u sheegeen in aysan caawinaada ay u baahan yahiin ka helin xaafiiska shaqada, gaar ahaana ay dhib ku tahay la kulanka gacan yarahooda xaafiiska shaqada.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii Wasiirka shaqada Ylva Johansson (S) ku dhaliishay Xaafiiska shaqada natiijada marka laga hadleyo gacansiinta dadka shaqo la’aanta waqtiga dheer ku sugnaa.

Rashiid Cusmaan oo ka mid ahaa dadkii aan la kulanay wuxuu yiri, ”maalin kasta halkan ayaan imaadaa, waxaan ku iraahdaa shaqo ayaan u baahanahay, ayaguna waxay igu yiraahdaan shaqadu halkan ma taalo ee orod banaanada ka raadso”.

Xaafiiska shaqada ayuu iska diiwaan geliyey bilowgii sannadkii 2014, ilaa iyo wagaas shaqo raadis ayuu ku sugan yahay, sida uu sheegay:

Rashiid ayaa gelinka hore dhigta dugsiga lagu barto afka isweedhishka SFI, halka gelinka dambe uu yimaado xaafiiska shaqada si uu shaqo uga baadi goobo kombiyuuterka xafiiska. 

Rashiid Cusmaan saaxiibkii agfadhiyey oo magaciisa ka gaabsaday inuu sheego ayaa asna dhaleecaysan caawinaada xaafiiska shaqada siiyo dadka shaqo doonka ah:

- Mudo bil ah ayaan isku dayey in aan la kulmo gacanyaraheyga laakiin wax xiriir ah waan ka waayey, xataa meel aan shaqo laylis ka helay ayaa isku dayday inay la xiriiraan laakiin iyaga xataa jawaab kama hayaan, ayuu yiri.

Wuxuu intaas raaciyey in uu xaafiiska shaqada ka diiwaan gashanaa muddo shan sanno gaaraysa balse ay yartahay waxay ku gacan siiyeen.

Laakiin waxaa sidoo kale jira shaqo doon ku qanacsan wax qabadka xaafiiska shaqada. Waxaa ka mid ah Amina Ali oo iyadu muddo ku diiwaan gasahanayd shaqo la’aan.

- Way fiican yihiin shaqaalaha xafiiska shaqadu, shaqo ayey nala raadiyaan. Way na baraan sida shaqada loo raadsado iyo halka laga raadsado.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".