Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hagaajinta howlaha isagaarsiinta iyo tamarta xilliga colaadeed

La daabacay torsdag 11 maj kl 10.39
Peter Hultqvist: goobo amni ah oo leh waxyaalaha daruuriga ah
(2:24 min)
Peter Hultqvist
sawir: Anders Wiklund/TT

Heyadaha dowladda oo looga fadhiyo hirgelinta goobo amni ah haddii xaalad dagaal ay dalka la soo gudboonaato.

Si loo xoojiyo difaaca guud ayey dowladdu ku guubaabineysaa heyaddaha dowliga ah ee ugu muhiimsan, maamulka gobolada ee caafimaadka iyo degmooyinka in ay ka baaraan-degaan sidii wax weliba u shaqeyn lahaayeen haddii waddanka la soo gudboonaato xaalad cakiran ama dagaal.

Tusaale waxay ahaan kartaa goobo amnigoodu suganyahay oo koranto, cunto iyo qalab isgaarsiineed u dhamaystiranyihiin.

Arrintan waxay xiriir la leedahay soo xumaashaha xaaladda amni siyaasadeed ee Sweden wajahayso, iyadoo dhawaan baarlamaanka dalka uu go’aan ku gaaray xoojinta difaaca guud.  

Difaaca dalka iyo hey’adda ka hortagga musiibooyinka iyo diyaargarowga MSB ayey dowladda howl u siisay ka shaqeynta sidii hey’adaha qaabilsan tusaale tamarta, gaadiidka, nidaamka dhaqaalaha iyo amnigu u shaqeyn lahaayeen markii xaalad cakiran waddanka soo wajahdo, oo la hirgeliyo goobo amni ah oo ay ka howlgalaan. Xataa degmooyinka muhiimka ah iyo maamulada gobalada ayaa laga doonayaa in ay lahaadaan karaanka ama awoodda noocaan ah.  

Sidoo kale hey’addaha ay quseyso ayaa laga doonayaa in ay ka shaqeeyaan sidii jagooyinka muhiimka ah u buuxin lahaayeen xaruumaha dagaalka shaqsiyaadka loo waco, waa marka uu dalku ku jiro xaalad degdeg ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".