Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Toogasho dhowaantan ka dhacday magaalada Göteborg

La cusbooneeyay torsdag 11 maj kl 15.40
La daabacay torsdag 11 maj kl 10.12
Ciidanka ammaanka oo xiray goobtii uu dilku ka dhacay waqooyiga Göteborg.
Ciidanka ammaanka oo xiray goobtii uu dilku ka dhacay waqooyiga Göteborg. sawir: Johan Nilsson/TT

Aroor-nimadii saaka saacaddu markay ku beegnayd 09:00 ayey laban in oo wejiyada soo duubtay ku toogteen nin xaafadda Lövgärdet oo dhacda waqooyiga magaalada Göteborg. Ninka la toogtay oo ka shaqeeynayay iskuulka ayaa ku sugnaa xilligaasi gaari halkaasina oo dhowr xabbadood lagu furey.

Dhallaan badan oo dhigta iskuul nawaaxigaa ku yaal ayaa goob-joog ka ahaa goortii uu falkani dhacay.

Ardeyda oo gudaha iskuulka lagu hayo 

Dugsiga Lövgärde oo ey dhigtaan ardey gaarsii-san 380, ayaa dhammaantood looga yeerey oo lagu hayaa gudaha iskuulka inta laga heleyo akhbaar.

- Dul-mar ayaan ku jiraa iyo sidii aan dhammaan ula hadli lahaa. Waxaan sidoo kale howl-gelin doonaa kooxda masiibooyinka degdegga, sida ay sheegtay maamulaha iskuulka Marika Andersson oo u warrameeysay hayadda wararka Sweden TT.

Ninka la toogtay ayaan illaa hadda la caddeeyn cidda uu yahay, hase yeeshee lagu qiyaaseyaa da’diisa soddomeeyo jir oo ku dhaqan nawaaxigaa, kana howl-gala iskuulka. Goobta uu dilku ka dhacey oo laga heley haraagii dhowr xabbadood ayaa la xirey.

Eedeeysaneyaasha oo lagu raad joogo

Ciidanka ammaanka ayaa raad-raac ugu jira dembiileyaashii falka geeystey, iyagoona u wacday helikoptar.

Ciidanka ammaanka ayaa gacanta ku soo dhigay shakhsi, hase yeeshee aan illaa hadda dacwad lagu soo oogin. Sidoo kale waxey ciidanka ammaanka gacanta ku dhigeen gaari nawaaxigii falku ka dhacay, hase yeeshee ka gaabsaday inauu ka faaloodo inuu yahay gaarisgii lagu baxdsaday iyo in kale.

Magaalada Göteborg ayaa waayadan dambe sida magaalooyinka waaweyn ee dalka ey ka jireen caqabado la xiriira toogashooyin. Sannadkii ina dhaafay ayaa magaalada Göteborg toogasho lagu diley lix ruux.

Toogashada maanta ka dhacday magaalada Göteborg ayaa ah middii ugu horreeysay ee ka dhacda.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".