Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Sicir bararkii bishii abriil oo ka sareeyay bilihii kale

La cusbooneeyay torsdag 11 maj kl 13.29
La daabacay torsdag 11 maj kl 12.05
Sicir-barar: isku celcelinta is-bedelka qiimaha macaamiisha ee 12 bilood
(2:23 min)
lacag isugu jirta waraaqo iyo qadaadiic oo meel saaran.
lacag isugu jirta waraaqo iyo qadaadiic oo meel saaran. sawir: Ruud, Vidar

Sicir bararka ayaa bishii abriil kor u gaaray 1,9% kolka loo barbar-dhigo bishii ka horreeysay ee maarso oo uu gaarsiisnaa 1,3%. Intii lagu guda jirey bilihii maarso iyo abriil ayuu kor u kacey adeeggii macaamiisha 0,6%, sida ay sheegtay xarunta dhexe dawliga ee tirakoobka oo magaceeda loo soo gaabiyo SCB.

Waxaa la heley sicir-barar aan la fileyn oo loo riyaaqay. Iyada oo qarka loo saaran yahay goolkii bangiga qaranku uu hiigsanaayey ee ahaa sicir-barar gaarsii-san 2%. Iminkana ku sugan – 1,9 boqolkiiba, waana heer aannu gaarin muddo shan sannadood ah. Midda kor u qaaday sicir bararka ayaa lagu macneeyey qiimaha tigidhada dayuurradaha dibadda oo kor u kacay, sida uu sheegay Johan Prane, oo ka howl-gala laanta dhaqaalaha ee Ekot.

Maxay dhacdadani uga dhigan tahay bangiga qaranka?

Qiimaha kor u kacay ee tigidhada dayuurradaha, buugagta, adeegyada bangiyada, dharka iyo kabaha ayaa ka mid ah dhacdooyinka kor u qaadey sicir-bararka, halka qiimaha hoos u dhacay ee korontadu uu hoos u dhigay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".