Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shir weynihii mustaqbalka Soomaaliya oo maanta furmay

La daabacay torsdag 11 maj kl 17.00
Safiir Lindwall:"Waa in la isku raaco Soomaaliya sidii horumar loo gaadhsiin lahaa"
(2:08 min)
Madaxweeynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.
Madaxweeynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. sawir: Jack Hill

Maanta ayaa magaalada London ee dalka boqortooyada Ingiriiska albaabada loo furaya shir looga wada xaajooneyo mustaqbalka Soomaaliya ilaa 2021.

Shirkan ayey tiro gaadhsiisan 40 dal ka qeeyb galayaan. Halkaas oo uu qeeyb ka yahay hogaamiyaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo hormuud ka ah shirka.

Safiirka Iswiidhan u qaabilsan Soomaaliya Mikael Lindwall ayaa ka mid ah wafdiga dawladda Iswiidhan ee ka qeeyb galaya kulanka.

-Waxaa xoogga aad loo saarayaa in laga hadlo xaaladda amni ee hadda ka taagan Soomaaliya, khaasatan magaalada Muqdisho. Ta kale ayaa ah abaaraha Soomaaliya ka jiray bilihii ugu dambeeyay halka ay kumanaan kun qof u naf waayeen biyo iyo cunto la´aan. Haddii ay xaaladdu ku laabato sidii ay aheeyd waxaa ay ila tahay inay saameeynteedu ka ballaaran doonto dhammaan dhibaatooyinka iminka ka taagaan Soomaaliya, sida sheegay Mikael Lindwall.

Waxaa sidoo kale kulanka looga wada xaajoon doonaa hab dhiska amniga qaranka halka xoogga la doonayo in la saaro dhismaha ciidammada mileteriga iyo ka hor tagga argagixisada.

Mikael Lindwall safiirka Sweden u qaabilsan soomaaliya ayaa rajeeynayaa in shirkani waxyaabo badan ku soo kordhiyo Soomaaliya iyo 40-ka waddan ee ka qeyb galaya shirkan. Tusaale ahaan in la isku raaco habkii Soomaaliya lagu gaadhsiin lahaa horumar. Sidoo kale wuxuu safiir Lindwall sheegay, in wadammada caalamku aanay joojin taageerada dhinaca dhaqaalaha iyo dib u dhiska.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".