Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Howlihii kontroolka xuduudaha oo dib u dhac uu ku yimid

La daabacay fredag 12 maj kl 08.30
Xarunta xadka Hyllie ee dhacda duleedka magaalada Malmö.
Xarunta xadka Hyllie ee dhacda duleedka magaalada Malmö. sawir: Johan Nilsson/TT

Illaa iyo hadda ayaanay weli bilaaban howlihii kontroolka xuduudaha ee laga hir-gelin lahaa tareemmada ka yimaada buundada Öresundsbron kolka ey soo gaaraan xuduudda dalka Sweden, maadaama aanu ciidanka ammanku u hayn shaqaale ku filan, sida uu qoray war-geeyska maalinlaha ee Sydsvenskan.

- Howshan ayaa ah su’aal meesheedii ka taagan, hase yeeshee xaaladda iminka lagu jiro aan loo heeyn howl-wadeenno ku filan is-vedel hor leh ee lagu sameeyo, sida ay sheegtay Ewa-Gun Westford, af-hayeenka ciidanka ammaanka oo u warrameeysay wargeeyska. 

- Waxey galeen xaalad hakad ah.

Muddo iminka toddobaad laga joogo ayaa la joojiyay shuruudihii lagu xirey milkiileyaasha gaadiidka rakaabka ee isaga goosha Öresund iney baaris ku sameeyaan rakaabka soo raacaya waraaqahooda aqoonsiga. Maadaama dawladdu sheegtay inay qabto inaan loo baahnayn sidii loo sugi lahaa nidaamka qaabilaadda qaxootiga.

Hase yeeshee si loo meel-mariyo go’aankaa baarista waraaqaha aqoonsiga ee laga qaadey xusuudda uu dalkani la wadaago dhinaca Danmark ayay dawladdu doonaysay in la adkeeyo dhanka xuduudda ee Sweden kolka la soo gaaro. Iyo iney halkooda ka sii socdaal inta uu tareenku taagan yahay ee aanu socon.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".