Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Niman xagjir ah oo lagu xukumay shan iyo toban sano oo xarig ah

La daabacay fredag 12 maj kl 14.33
Maxkamad giriig ah oo xukun ku riday labo nin oo iswiidhish ah.
(1:40 min)
Ururka xagjirka ee Daacish iyo dalka Giriigga.
Herdu zilam jî ji derdora Göteborg çûne. sawir: TT

Waddanka Giriiga ayaa labo nin oo Sweden ka tagey ku xukumay 15 sano oo xadhig ah, iyaga oo lagu eedeeyey denbiyo xagjirnimo la xidhiidha.

Labadan nin ayaa degennaa deegaanka Göteborg, lana qabtay bishii jeeniweri iyaga oo ka gudbaya xuduudka uu Giriigu la wadaago Turkiga. Nimankan ayaa alaabtooda laga dhex helay, midiyo, direyska militeriga iyo lacaggo kala duwan.

Booliska ayaa tuhunsan in nimankan ay ku socdeen wadanka Suuriya, halkaas oo ay ku biiri lahaayeen ururka IS. Maanta ayaa labadan nin maxkamad giriig ahi ku xukuntay 15 sano oo xadhiga ah, sababta ayaa ah in ay ka mid yihiin urur argagixiso. Qareenka u doodaya labadan nin, Athanasia Karagkiozaki ayaa u cadaysey raadiyaha Sweden xukunkan.

Labadan nin ayaa kala ah 28 iyo 19, mid ka mid ahi haysto dhalashada Sweden ah midka kalena haysto degennaanshaha waddankan Sweden. 28 jirka waxa hore loogu xukumay denbiyo la xidhiidha argagixiso, halka kan 19 ahi uu yahay qof aan denbi hore lagu xukumin.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".