Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Suuriyaanka dalka ku sugan oo tiro ahaan kor u dhaafay Finlaandeeska

La daabacay fredag 12 maj kl 16.51
Calanka caddaanka iyo istillaabta buluugga ee dalka Finland.
Calanka caddaanka iyo istillaabta buluugga ee dalka Finland. sawir: HASSE HOLMBERG / TT

Laga soo bilaabo wixii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee caalamka ayey ahaayeen qowmiyadda finlaandeesku ajaaniibta ugu badan ee sweden ku sugan, hase yeshee iminka ey jagadaa kala wareegeen dadka ka yimaada dalka Suuriya, sida ku cad tira-koobka hayadda tira-koobka ee magaceeda loo soo gaabiyo SCB, sida uu qoray war-geeyska Svenska Dagbladet. Is-bedelkaasina oo dhacay bishii jannaayo.

- Suuriyaanka ayaa dhaafay. Waa fal taariikhi ah, sida uu sheegay Tomas Johansson, baare ka howl-gala SCB oo u warramayay war-geeyska.

Dagaalka ka socda dalka Suuriya ayaa ah sababta ugu wayn.

- Sannadihii ugu dambeeyey ayey Sweden soo galeen qaxooti ka soo baqooley dalka Suuriya. Sannadkii ina dhaafay ayey dalka soo degeen 50 000 oo ruux, sida uu sheegay Johansson.

Dhanka kale kooxda ka soo jeeda qoowmiyadda dalka Finland ee dalkan ku dhaqan  ayaa sii suulaya maadaama ey badankood ahaayeen dadyoowgii shaqada dalkan u yimid sannadihii 1980-meeyadii.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".