Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Astaan Minaarad 155 mitir ah oo maanta kontan jirsatay

La daabacay fredag 12 maj kl 17.14
Sawir magaalada Stockholm looga qaadey dayuurradaha qumaatiga u kaca.
Munaaradda Kaknästornet. Sawir looga qaadey helikopter. sawir: Christine Olsson/TT

Minaaradda ama burjiga lagu magacaabo Kaknästornet ayuu dhismihiisu jiray intii uu dalku lahaa mowjad keliya ee idaacadaha la iska daawado oo caddaan madow ah. Hase yeeshee maanta laga qeeybiyo minaaraddaa ugu yaraan 600 oo kanaal iyada oo.

Dhismaha ugu dheer magaalada Stockholm waxaa dhismihiisa la bilaabay sannadkii 1963-dii iyadoona ey afar sannadood dabadii daah-fureen wasiirkii is-gaarsiinta Olof Palme iyo duqii magaalada Stockholm ee waagaasi och finansborgarrådet Hjalmar Mehr.

Sannadkii 1967 ayuu shabakadda idaacadda la iska daawado ka koobnayd mowjad keliya oo caddaan madow ah ah. Maanta ayey ka kooban yihiin 600 oo moowjadood oo laga baahiyo minaaradda Kaknästornet oo maanta 50 jirsatay. Dhambaalada ka baxa moowjadahaa ayaa u gudba macaamiisha iyada oo loo marineyo shirkadda dawliga ah ee Teracom.
Minaaradda ayaa barnaamijyada aan sii deeyn, hase yeeshee baahisa oo keliya dhambaalka. Halka barnaamijyada laga laliyo udubbada ku yaala xaafadda Nacka ee magaalada Stockholm.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".