Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xeerka magangelyadoonka tacliinta ku jira oo la dhaleecayey

La daabacay måndag 15 maj kl 15.20
Ramazan:"Ma fahmin sharciga cusub"
(2:09 min)
Xeero qaxooti ku taala waqooyiga dalkan.
Xeero qaxooti ku taala waqooyiga dalkan. sawir: Jessica Gow/TT

Sharciga cusub ee dhallaanka kelinimada waddanka ku yimaada u surtogalinaya in ay waddanka sii joogaan si ay u ga gun gaaraan waxbarashada dugsiga sare ayaa welwel iyo baqdin ku abuuray dhallinyarada.

Sababta ayaa ah in aanay dawladu faahfaahin wuxuu sharciga cusub ee bilaabmi doona 1 bisha juun sannadkan ku saabsanyahay iyo dhallaanka uu saameeynayo.

Ramazan ayaa ah wiil ka yimid waddanka Afqanistaan. Wuxuu dhigtaa heerka bilowga ee waxbarashada luuqada - språkintroduktion loo yaqaano. Ramazaan ayaa rajeeynaya in marka uu dhameeyo waxbarashadaas u gudbo dugsiga sare ee gymnasieskolan. Hasayeeshe uu sheegay in uu diidmo ka helay heeyada socdaalka ee Migrationsverket:

Ramazan ayaa welwel iyo baqdin ka qaba in sharciga cusub ee u surtogalinayaa caruurahan in ay dhameeystiraan waxbarashada dugsiga sare aanay isaga quseeyn. Wuxuu sharcigan ka ogaaday baraha ay bulshaddu ku kulanto, hasayeeshe wuxuu sheegay, in aanu weli fahmin dadka sharcigan loogu talo galay.

Heeyadaha ka soo talo bixiyey sharcigan ayaa dhaleecayn xoog leh u gudbiyay dawladda waddanka hogaamisa. Sababta oo ah in sharcigan meel ku gaadhka ah, ee loogu talo galay caruurahan si ay u dhameeystiraan waxbarashada, loo arko mid adag oo aan la fahmi karin. Su´aalaha ay heeyadahani is weeydiinayaan ayaa ah in da´da dhallaankani micno u leedahay caruuraha doonaya in ay waddanka sii joogaan. Ta kale ayaa ah sida loo go´aaminayo kuwa loo ogolaanayo waxbarashadan, ma da´daa lagu go´aaminaya mise maclumaad kale. Waa su´aalaha ay dhowr ka mid ah heeyadaha waddanku hadda is weeydiinayaan. 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".