Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Weerarkii IT-ga oo maanta la ogaan doono baaxaddiisii waxyeello

La cusbooneeyay måndag 15 maj kl 12.56
La daabacay måndag 15 maj kl 10.33
Mikael Witt: Inaan lagu degdegin gujinta linkiyo aan la garaneyn
(4:16 min)
Shakhsi hor-fadhiya aalad kompiyuutar.
Shakhsi hor-fadhiya aalad kompiyuutar. sawir: Thomas Winje ؘijord/TT

Waddamo kor u dhaafaya 100 ayey wax-yeelooyin ka soo gaareen weerar ba’an oo lagu qaaday aaladahooda IT-ga labadii maalmood ee fasaxa lagu jirey ee sabtidii iyo axaddii ina dhaafay.

Maanta oo isniin ah ayaa la ogaan doonaa baaxadda dhibaato ee weerarkaasi uu geeystay, iyadoona laga cabsi qabo inuu ka baaxad weynaado sidii la filayey.

Maanta oo isniin ah oo ey dadyoow badani dib ugu laabaneyaan xarrumaha howlahooda wixii ka dambeeyey jimcadii ina dhaaftay ayaa laga cabsi qabaa iney soo baxaan dhibaatooyin ka baaxad wayn kolka ey howl-wadeennadu shidaan aaladahooda kompiyuutarrada.

– Waxaa lagu fekeri karaa iney jiraan mashiinno badan oo aan daarneyn kolkii uu falkani dhacay, waana mid loo fadhiyo waxa dhici doona kolka mashiinnadaa la shido, sida uu sheegay Anders Ahlqvist, ahna sarkaal sare oo ka howl-gala xarunta dhexe qaranka ee dembiyada IT-ga.

Waxaa dhici karta inay gaarto herkii ugu sarreeysay?

Dhambaalka baaqan sirta (koden) ee waxyeelada leh ee falkani ku saab-san yahay ayaa ku jiri kara habka dhambaallada mail-ada la isugu diro oo weerari kara kolka kompiyuutarrada la shido.

Sida ay sheegtay laanta ciidnak ammaanka Yurub ee Europol in weerarkani yahay midkii ugu weynaa dhiggiisa ee caalamka ka dhaca illaa hadda. Midkaasina oo saameeyay kompiyuutarro yaala boqolaal kun ee goobo shaqo. Tusaale ahaan dalka boqortooyada ingiriiska ayuu si aad ah u wax-yeeleeyay howlaha dar-yeelka caafimaadka, dib u dhigis lagu sameeyey howlihii qalliimmada iyo gawaaridii gargaarka degdegga oo loo direy goobo khaldan.

Dhambaalka baaqan sirta (koden) wuxuu howsha ka fariisineyaa kompiyuutarrada iyadoona ay muraayadda kompiyuuterka ka soo muuqanayo dhambaal oranaya in adeegsaduhu uu lacag bixiyo si loogu ogolaado inuu kompiyuutarka galo xgotiina loogu soo celiyo.

Iyada oo kharashka baadda ah lagu bixineyo lacagta elektroonikada ee loo yaqaanno bitcoin, falkaasina oo adkeeynaya sidii daba-gal loogu sameeyn lahaa cidda ka dambeeysa baadda.

Weerarkan ayey dadyoowga baadda dalbanayaa isticmaaleen hab ka duwan kuwii hore, kolka laga eego inta goobood oo ey u direen kod-ka qarriban iyo habka loo gaarsiiyay:

Dalka Sweden ayay laanta warar ekot sheegtay wax-yeelada ka soo gaartay xarunta garaashka shirkadda Sandvik iyo sidoo kale degmada Timrå, hase yeeshee aan weli la ogsooneeyn saaka shirkadaha ama ururrada kale ee ku wax-yeeloobey.

Si haddaba looga badbaado waxaa loo soo jeediyay madaxada waaxaha IT-ga in dib loo cusbooneeysiiyo nidaamka howlgala barnaamijka Windows iyo in isticmaaleyaashu ka taxadaraan kolka ey furaan e-mail-ladooda, sida uu sheegay Mikael Witt.

– Midda loo baahan yahay in laga fekero waa taxadar la muujiyo iyo inaan la gujin linkiyo kaaga yimid cid aadan garaneyn, sida uu sheegay Mikael Witt oo ku xeel-dheer ammaanka nidaamka IT-ga.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".