Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xeerilaaliye qiray in la heley maydii gabar 19 jir ahayd oo la la'aa

La cusbooneeyay tisdag 16 maj kl 14.51
La daabacay tisdag 16 maj kl 11.41
Ciidanka ammaanka oo baadi-goob ugu jira gabar 19 jir ah oo la tuhun-san yahay in maydkeedii xalay la heley.
Gaari iyo helikoptar baadi goob ugu jira gabar 19-jir ahayd oo la tuhun-san yahay in maydkeedii xalay la heley. sawir: Christian Höijer / P4 Gävleborg

Ciidanka ammaanka ayaa sheegay inay heleen mayd mar ay baadi-goob ugu jireen gabar 19 jir ah ee la la’aa wixii ka dambeeyay habeen-nimadii axaddu soo galeeysay ee ina dhaaftay. Maydka ayaa laga helay agagaarka goob biyo-gal ah saqdii dhexe saacaddu kolkay ahayd 23:00 xalay.

Warta maydka laga helay ayaa ku dhow nawaaxi ku yaala magaalada Forsa, halkaasina oo ciidanka ammaanku ka baadi-goobayeen gabadha la la’aa fiidnimadii xalay oo isniin ahayd. 
Ciidanka ammaanka ayaa sheegay in maydka la heley lala socodsiiyay qaraabada gabadha 19-ka ahayd ee la la’aa.

Iyada oo ciidanka boliisku aamin-san yahay in mayadka la helay uu yahay gabdhii 19-jirka ahayd ee la baadi goobayey.

Sido kale ayey ciidanka ammaanka cadeeyeen in ay is yaqaaneen saddexda nin ee hadda la tuhmayo iyo gabadha la dilay. Sidaas daraadeed ayuu boolisku dembigan cinwaan uga dhigay dil.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".