Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Tiro intee le’eg ayaa sharci darro ugu dhuumaaleeysanaysa Sweden

La daabacay tisdag 16 maj kl 16.25
Afar sanno dabadood ayaa mar kale dib deggenaansho loo dalban karaa
(1:33 min)
Kaniisadda Sweden oo taageero u fidineeysa qaxooti dhuumaaleeysi ku sugan.
Kaniisadda Sweden oo taageero u fidineeysa qaxooti dhuumaaleeysi ku sugan. sawir: BJÖRN LARSSON ROSVALL / TT

Waa xaalad aad u adag isidii lagu ogaan lahaa, waxayna ku xiran tahay habka loo tiryo. War-bixinta ay idaacaddu ka soo diyaarisay ayaa looga hadleyaa dadyoowga diidmada ku heley dalabkoodii magan-gelyo doon, hase yeeshee ka door bidey iney Sweden si sharci-darro ah ugu nagaadaan. Waa tiradii ugu dambeeysay ee Wakaaladda socdaalka midda laga hadleyo.

Illaa iyo bishii maarso ee sannadkan 2017  waxay hayadda socdaalku baafin ku sameeysay iney dalka ku dhuumaaleey-saneyaan 12 591 ruux. Tira-koobka saadaalinta ee hayadda socdaalka ee sannadka 2018 ayaa ah 16 100, waana tiro ay adag tahay in la qiyaaso, sida uu sheegay  madaxa ciidanka xuduudaha Patrik Engström oo u warramayay Sveriges Radio. Tiradaa ayaa qaarkood laga yaabaa iney u socdaaleen dalal kale, halka ey dhanka kale jiraan tiro aad badan ee la og-sooneyn, tusaale ahaan dadyoow aan iyagu magan-gelyo ka dalban wakaaladda socdaalka, hase yeeshee dalka ku sugan.

Isha: Hayadda maamulka iskuullada, hayadda dhabba-tuska caafimaadka 1177, xafiiska dawladdat, wakaaladda socdaalka, ciidanka ammaanka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".