Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Waxyaabaha ey xaqa u leeyihiin qaxootiga dhuumaaleeysanaya

La daabacay tisdag 16 maj kl 16.35
30 000 oo ruux ayaa heley dar-yeel caafimaad 2015
(2:04 min)
Day-yeel caafimaad ee la siinayo nin dhuumaaleeysi dalka ku jooga.
Day-yeel caafimaad ee la siinayo nin dhuumaaleeysi dalka ku jooga. sawir: Karin Tengby / Röda Korset / TT

ISKUULKA: Dhallaanka sharci-darrada dalka ugu sugan waxey xaq u leeyihiin sida dhallaanka dhiggooda dugsi hoose/dhexe ama wax-barasho u dhiganta. Sidoo kale dusgi sare ama dugsiyada sare ee khaaska, haddii ey iskuulka bilaabeen intii aaney buuxin da’da qaan-gaarka ee 18 sannadood.

Qiyaastii waxaa dalka Sweden iskuullo ku dhigta dhallaan gaarsiisan 2 000-4 000 oo sharci-darro dalka ku jooga. Maamullada degmooyinka ayaa taageero dhaqaale dawladda uga dalban kara dhallaankaa, sannadkii 2016 ayay hayadda maamulka iskuulladu u qeeybisay degmooyinka u fidiya tacliinta dhallaanka dalka ugu sugan sida sharci-darrada ah dhaqaale gaarsii-san 50 malyan.

Caafimaadka:

dadyoowga dhuumaaleeysiga dalka ku jooga ayaa xaq u leh dar-yeel caafimaad ee oogada iyo midka ilkaha goorta aan laga maarmin ee aan lala sugi karin (akut), go’aankaasina oo ey tahay iney gaaraan howl-wadeennada caafimaadku.

Dadyoowga aan gaarin da’da qaan-gaarka ee 18-sannadood waxey xaq u leeyihiin dar-yeel caafimaad ee u dhigma midka dhiggooda oo ey ka helaan goobaha caafimaadka ee ku yaala nawaaxiga ey ku dhaqan yihiin. Sannadkii 2015 ayaa la diiwaan-geliyey tiro gaarsii-san 30 000 oo goobaha caafimaadka ey dar-yeel caafimaad ee oogada iyo ilkaha u doonteen dadyoow aan dalka sharci ku joogin (tira-koobkan ayaaney qeyb ka aheyn xogta booqashooyinkii dar-yeelka ilkaha Stockholm iyo Skåne, iyo dar-yeelka caafimaadka nawaaxiga Galbeedka Götaland).

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".