Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xog la heley: Qaxootiga ku dhuumaaleysanaya dalka Sweden

La daabacay tisdag 16 maj kl 16.42
SR oo wareeysio la yeelatay 84 ruux oo ku dhuumaaleeysaneya Sweden
(4:27 min)
Qaxooti dhuumaaleeysanaya.
Qaxooti dhuumaaleeysaneya. sawir: Ingvar Karmhed / SvD / TT

Dalka Sweden ayey ku sugan yihiin noocyo kala duwan ee ku dhuumaaleeysanaya, iyadoona barnaamijyada lagu doortay dadyoowga dalka magan-gelyada ka dalbadey, ku heley diidmo, hase yeeshee ka door bidey iney dalka ku dhuumaaleeystaan halkii ey waddammadoodii dib ugu laaban lahaayeen.

Suxufiyiinta badankood waxey isticmaaleen foom ey su’aalo ku qoran yihiin oo jawaabihii ka soo baxey isu geeyngeeyn lagu sameeyey. Hase yeeshee looma arki karo sal-dhig tira-koob, maadaama aan dadyoowga dalka ku dhuumaaleeysaneya loo dooran si indho-la’aan (bakhtiyaa-nasiib). Midda aannu soo ban-dhigney waxay tahay jawaabihii aannu ka helney dadyoowgii la wareeystey iyada oo tusaale ka bixineeysa xaaladaha ey ku sugan yihiin dadyoowga dhuumaaleeysiga ku jooga dalka.

Dadyoowga aannu la kullaney ayey badankood ka soo jeedaan waddammada Albaaniya, Afgaanistaan, iyo Ciraaq, inta kale waa waddammo isku dhex jira, hase yeeshee badankood waxey ka soo jeedaan waddammada carriga Balkaanka iyo Bariga Dhexe. Qaar waxey ka soo jeedaan Afrika, Koonfurta Aasiya iyo koonfurta Ameerika oo qaar aan badneeyni ka soo jeedaan.

Waxaannu wax ka weeydiiney sababta ey u door-bideen iney Sweden ku nagaadaan oo aaney dib ugu noqon waddammadoodii. Jawaabta caadiga ah ayaa ah waxaannu ka cabsi qabnaa dil, daba-gal naloo geeysto ama aannu ku noolaanno xaalad adag haddii ey waddammadoodii dib ugu laabtaan.

Si ey ku soo saartaan nolol-maalmeedkooda waxey qaarkood sheegeen iney ku shaqeeyaan suuq madow tusaale ahaan goobaha shaqooyinka dhismooyinka ama gawaarida, qaarkood waxey ku shaqeeyaan nadaafadda, qaarkood maqaayadaha ama cowska oo ey jaraan. Intooda sheegtay mushaarkooda saacaddii ayaa sheegey inta u dhexeeysa 20 illaa iyo 100 koron saacaddii. Qaarkood waxey ka cabsi qabaan iney shaqeeyaan si aan loo qaban. Waxaa caadiyan ah iney dhar iyo cunno ka helaan ururrada taageera dadyoowga tabaaleey-san, dadyoow caadi ah iyo wixii la mid ah. 

Dhibaatooyinka maskixiyanku waxey noqon karaan dhibaato dhanka hurdada la xiriirta, welwel  , salcaan, walbahaar, niyad jab, fikirka ah is-dil iyo dhibaatooyinka maskixiyanka ee la soo gudboonaada dadyoowga ey dhibaatooyin horey ula soo gudboonaadeen.

Howlaha a xiriira #gömdisverige ayaa la bilaabey ka hor intii aannu dhicin falkii argixis-nimo ee ka dhacay magaalada Stockholm 7-dii bishii abriil. Wareeysiyada qaarkood ayaa la qaadey kadib dhacdadaasi, kuwaasina oo aannu ku kordhiney su’aasha ah sida uu falkaasi argagixis-nimo iyo dooddii ka dambeeysey ey u saameeysay. Kuwooda su’aashaa la weeydiiyey ayaa ku jawaabey inuu welwelkii iyo cabsidii ku sii kordhay iyo in ciidanka ammaanku dardar-gelin doonaan howlahooda la xiriira sidii ey gacanta ugu soo dhigi lahaayeen, halka qaarkoodna ka welwel qabaan in bulshadu u aragto argagixiso iney yihiin.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".