Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xeerilaaliye: Sawir wanaagsan ayaa laga haystaa dhacdadii lagu diley

La cusbooneeyay onsdag 17 maj kl 10.11
La daabacay onsdag 17 maj kl 09.12
Shir jaraa'id oo ey ku qabteen magaalada Hudiksvall Ola Wikberg, madaxa baaraha dacwadda, Christer Nordström, af-hayeenka ciidanka ammaan iyo madaxa xeer-ilaaliyaha Ulf Back under Hudiksvall.
sawir: Mats Andersson

Dhacdadii gabadh 19-jir ahayd oo meedkeedii la heley habeen-nimadii isniintii ina dhafaftay ayaa markiiba loo qabtay saddex nin oo dhallin-yaro ah oo iminka lagu tuhun-san yahay iney dilka gabadha ka dambeeyeen.

Habka wax u dhaceen iyo af-duubkii la tuhun-sanaa in gabadha la af-duubey ayaa laga haystaa sawir wanaag-san, sida uu sheegay xeer-ilaaliye Christer Sammens.

-Fikirka aan ka qabaa wuxuu yahay in sawir waadix ah laga heeysto wixii dhacay. Inkastoo baaristu aanay maalmo badan socon, sida uu sheegay.

Saddex nin oo dembi-faleedkan lagu tuhun-san yahay oo ku jira ruumanka ayuu ciidanka ammaanku shalay la yeeshay wareeysiyo, hase yeeshee uu xeer-ilaaliye Christer Sammens ka gaabsaday inuu ka faaloodo natiijadii ka soo baxday. Hase yeeshee la soo ban-dhigi doono in ruumanka lagu sii hayo.

-Waa arrin aam maanta go’aan ka gaari doono, sida uu sheegay, iyada oo gelinka dambe laga gaari doono go’aan kama dambeeys ah, sida uu sheegay xeer-ilaaliyaha gacanta ku haya dacwaddani Christer Sammens.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".