Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dab halis oo la qabadsiiyay agagaarka xeero qaxooti

La daabacay onsdag 17 maj kl 10.15
Konfuurta dalkan
(1:03 min)
Dhisme dab la qabadsiiyay.
Dhisme dab la qabadsiiyay. sawir: Ulf Palm / TT

Xalay labadii habeenimo ayaa dab khatar ah la qabadsiiyay dhismo u dhow xeerada qaxootiga Butapalats oo ku taala magaalada Växjö.

Islamarkiiba daadgurayn ayaa lagu sameeyay 200 oo qaxooti oo xeeradaas ku noola.

Kooxda dabdemiska ayey marka ay goobta yimaadeen u cadaatay in aan wax laga qaban karin amba la badbaadin karin dhismaha dabka lagu qabtay.

Sida ay xaaladu tahay hadda cid dhaawac ku gaadhay dabkan oo laga soo waramay ma jiro. Hasayeeshe ayaa qaxootiga ku nool xeerada Butapalats lagu meeleeyay xeerada Borgmästaren oo isla magaaladan ku taala.

Booliska ayaa tuhmaya in dabkan la qabadsiiyay dhismaha. Sidaas daraadeed ayaa dhacdodan cinwaan looga dhigay dab halis ah oo meel la qabadsiiyay.

Sido kale ayey xeerooyin ku yaala konfuurta Iswiidhan, Målila iyo Österlen, dab halis ah la qabadsiiyay xalay. 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".